
Wararka24: Markab siday in ka badan 80 gaadiid dagaal ah oo ay dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday Puntland ayaa dhawaan kusoo xirtay dekedda magaalada Boosaaso. ayaa lagu dajiyay kuwaas oo laga keenay Abu Dhabi, caasimadda Imaaraadka Carabta.
Dowladda Imaaraadka ayaa si dhow ula shaqeysa Puntland, iyadoo taageero joogto ah siisa dhinacyada amniga, tababarka iyo sahayda milatari. Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka Imaaraadka ayaa marar badan fuliyay duqeymo ka dhan ah Daacish, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobaha la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin.
Gaadiidkan ayaa si rasmi ah waxaa ula wareegay hoggaanka Puntland Boosaaso, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee gobolka ka dagaallamaya.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer taageerayay Puntland, iyaga oo bixiya tababaro ciidan, qalab iyo dhaqaale lagu xoojiyo la dagaallanka argagixisada. Duqeymihii ugu dambeeyay ee Imaaraadku fuliyeen buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish, iyadoo lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahan.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Daacish, isaga oo marar badan duqeymo cirka ah ka geystay gobolka, kuwaas oo khasaare lixaad leh gaarsiiyay kooxdaasi.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhawaan sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan cid kasta oo gacan ka geysan karta howlgalka sifeynta buuraha gobolka Bari, si looga ciribtiro kooxaha argagixisada ah daacish iyo alshabaab.

Kadib Marki uu Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaqay in dagaalki wajigiisa sadaxaad uu bilowday puntland ayaa guulo isdaba joog ah kagaartay daacish, heli taanka gaadidkaan ayaa waxaa lafilaa in garab weyn unoqondoono..
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaarinaya howlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, iyagoo guulo ka gaaraya dagaalka ka socda Buuraleyda Calmiskaad. Ciidamadu waxay si qoto dheer ugu fidayaan deegaanada Balidhidin, Iskushuban, iyo Qandala, iyagoo dagaal ku qaaday goobo ay hore u maamulayeen Daacish.
Wararka Ugu Aqrinta Badan
Fahad Yaasiin oo digniin u diray madaxda dalka kadib xarigga Shub

Wararka Ugu Aqrintabadan Fahad Yaasiin oo digniin u diray madaxda dalka kadib xarigga Shub 34 minutes ago DF Soomaaliya oo xabsi guri gelisay Jeneraal Mahad Shub 2 hours ago Load More ShareWararka24: Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin…
Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya

Wararka Ugu Aqrintabadan Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya 42 minutes ago Hanjabaad ka timid Khabiir dhanka amniga oo Iiraani ah kuna saabsan Khaliijka 54 minutes ago Load More ShareWararka24: Doon la sheegay…
Hanjabaad ka timid Khabiir dhanka amniga oo Iiraani ah kuna saabsan Khaliijka

Wararka Ugu Aqrintabadan Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya 42 minutes ago Hanjabaad ka timid Khabiir dhanka amniga oo Iiraani ah kuna saabsan Khaliijka 54 minutes ago Load More ShareWararka24: Falanqeeye dhanka amniga…



















