
Wararka24: Wararka ka imaanaya Shabeellaha Dhexe ayaa muujinaya in markii ugu horreysay gobolkaasi lagu arkay diyaarado drones ah oo nooca yaryar ee is-qarxiya ah, kuwaas oo loo adeegsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Howlgallo dhanka dhulka iyo cirka ah oo ka socda gobolka ayaa lagu beegsanayaa maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarro ka geystay deegaannadii horey looga saaray. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Isniintii la qaaday duqeymo culus oo ka dhacay duleedka iyo gudaha degmada Ceelbaraf.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isqarxiya ayaa lagu arkay iyagoo dul heehaabaya bartilmaameedyada, kadibna ku qarxaya goobo ay joogaan xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhowr ka mid ah diyaaradahaasi ay ku dhaceen goobaha ganacsiga ee Ceelbaraf ee Shabeellaha Dhexe , taasoo sababtay khasaare ay ka mid yihiin dukaamo iyo guryo gubtay.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Al-Shabaab ay 20-kii Febraayo bilaabeen weerarro ka dhan ah wejiga labaad ee howlgallada lagula dagaallamayo, iyagoo si fudud ula wareegay Ceelbaraf Shabeellaha Dhexe
Ka dibna waxa ay weerar ku qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Alkowsar, Ceel Cali Axmed, Daaru-Nimca, Cali Fooldheere iyo Miirtaqwa.
Si kastaba ha ahaatee, duqeymaha cirka ayaa si isdaba joog ah u beegsaday fariisimada Al-Shabaab, iyadoo duqeyntii ugu dambeysay ee shalay la sheegay inay saacado badan socotay. Sidoo kale, warar hoose ayaa tibaaxaya in maleeshiyo kale oo Al-Shabaab ah lagu beegsaday duqeyn ka dhacday meel u dhow degmada Aadan Yabaal iyo Alkowsar.
Hogaanka NISA iyo DF si rasmi ah uma caddeyn in ay haysato drones-kan cusub ee la rumeysan yahay in hadda loo adeegsanayo dagaalka ka socda gobollada Hirshabelle.
Weli lama xaqiijin cidda iska leh diyaaradaha yaryar ee is-qarxiya, hase yeeshee, waxaa la tuhunsan yahay in Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay qeyb ka tahay howlgallada, maadaama ay xiriir dhow la leedahay ciidanka Kumaandooska Gorgor, Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararka Ugu Aqrinta Badan
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay. Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay markabka uu dhacay kaddib iska horimaad dhexmaray…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo isbeddel iyo hoos u dhac ku yimaada joogitaanka ciidamadiisa. Hay’addu waxay sheegtay in khatartu…









