Khubaro madax bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka uga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
Khubarada ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay dib xilkiisa ugu celiso, isla markaana ay damaanad qaado nabadgelyadiisa iyo tan dhammaan garsoorayaasha dalka.
Bayaanka waxaa soo saaray Margaret Satterthwaite, oo ah ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan madax bannaanida garsoorayaasha iyo qareennada, iyo Ben Saul, oo ah ergeyga gaarka ah ee xuquuqda aadanaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Waxay sheegeen in xil ka qaadista ay faragelin ku tahay madax bannaanida garsoorka, maadaama madaxweynuhu uu go’aanka gaaray isagoo aan helin talo ka timid Guddiga Adeegga Garsoorka ama oggolaansho baarlamaan.
Khubarada ayaa xusay in garsoore xilka laga qaadi karo oo keliya haddii uu awoodi waayo gudashada waajibaadkiisa ama uu galo dhaqan ka dhigaya mid aan u qalmin, kadib dhageysi cadaalad ah iyo dib u eegis madax bannaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye Baashe habeenkii 4-ta Noofembar, maalin kahor inta aysan Maxkamadda Sare go’aan ka gaarin kiiska muddo kororsiga madaxweynaha iyo baarlamaanka.
Maxkamadda Sare ayaa ku dhawaaqday in xil ka qaadistaas ay tahay mid sharci darro ah oo aan wax saameyn ah lahayn. Waxay sheegtay in tallaabadaas loo qaaday si loo hor istaago kiiska ku saabsan muddo kororsiga hay’adaha dowladda.
Khubarada QM ayaa sheegay in kadib go’aanka maxkamadda, dowladdu ay boqolaal ciidamo amni ah dhigtay xarunta Maxkamadda Sare, iyagoo ku tilmaamay tallaabo lagu cabsi gelinayo garsoorayaasha.
Waxay intaa ku dareen in toddoba garsoore laga qaaday ilaaladoodii gaarka ahayd, laguna hor istaagay inay safraan. Waxay ku baaqeen in ilaalada dib loogu celiyo, ciidamadana laga saaro maxkamadda.
Baashe ayaa wariyeyaasha Muqdisho u sheegay inuusan dareemin nabadgelyo, kadib markii la sheegay in laga dalbaday inuu ka baxo dhismaha maxkamadda.
Madaxtooyada ayaa dhankeeda sheegtay in go’aanka lagu saleeyay cabashooyin ka yimid garsoorayaal, shaqaalaha maxkamadaha iyo qareenno la xiriira maamulka garsoorka.
7-da Noofembar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta Ibraahim Iidle Suleymaan, oo horey u soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in xil ka qaadistu ay waafaqsan tahay nidaamka ku meel gaarka ah ee jira ilaa inta la dhisayo Golaha Sare ee Garsoorka, waxayna ku baaqday in la baaro eedeymaha ku saabsan cabsi gelinta garsoorayaasha.
Khubarada QM ayaa ka digay in isbeddelada dastuuriga ah ee lagu muransan yahay iyo garsoor aan madax bannaanayn ay wiiqi karaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyo xasilinta dalka.









