Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa ansixisay go’aankii lagaga qaaday sharafta qaxootinimada gabar Somaaliyeed oo baraha bulshada caan ku ah, kadib markii ay safarro dhowr ah ku tagtay Somaliland.
Haweeneydan, oo TikTok-ga loogu yaqaan “Xidigta Jarmalka,” ayaa haysata in ka badan 200,000 oo taageerayaal ah.
Maxkamadda maamulka ee magaalada Trier ayaa go’aankan gaartay 13-kii Oktoobar, waxaana la shaaciyay 5-ta Noofembar.
Maxkamadda ayaa sheegtay in muuqaalo ay soo dhigtay muujinayaan inay si furan uga muuqatay Somaliland, isla markaana aysan u muuqan qof cabsi ka qaba nabadgelyadeeda.
Muuqaallada ayaa laga arkay iyadoo ka qeyb gashay kulan xisbi siyaasadeed sannadkii 2024, iyo iyadoo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland bishii Agoosto 2025.
Markii hore, haweeneydu waxay sheegtay inay u safartay Itoobiya si ay u booqato carruurteeda, ayna suurtagal tahay inay xuduudda u gudubtay iyadoo aan ogeyn. Hase yeeshee markii dambe waxay qirtay in safarradeeda Somaliland ay ahaayeen kuwo ula kac ah.
Waxay Soomaaliya ka timid sannadkii 2012, waxayna Jarmalka gaartay 2017, halkaas oo laga siiyay magangelyo, iyadoo sheegtay inay cabsi ka qabto halista haddii dalka dib loogu celiyo.
Maxkamaddu waxay tixgelisay da’deeda, lixdeeda carruur ah iyo awoodda ay u leedahay inay is maareyso, waxayna go’aamisay in xaaladdeedu ay si joogto ah isu beddeshay.
Maxkamaddu waxay sheegtay in loo celin karo Hargeysa ama gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay hore u degganeyd.
Bishii Sebtembar, maxkamad ku taalla magaalada Mainz ayaa ganaax dhan 5,400 oo yuuro ku riday, kadib markii lagu helay inay muuqaallo TikTok ah ku faafisay hadallo kicinaya nacayb.
Maxkamadda Mainz ayaa sidoo kale horey u oggolaatay amar tarxiil, kadib markii ay dhacday sharciyaddeeda deganaanshaha bishii Luulyo.
Haweeneydu waxay haysataa hal bil oo ay ku codsan karto racfaan, kadib marka si rasmi ah loo gaarsiiyo go’aanka maxkamadda Trier.
Lama shaacin goorta la tarxiili doono iyo haddii ay racfaan gudbisay.
Jarmalka ayaa sheegay inuu sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadkan Soomaaliya u celiyay 35 qof, oo ay ku jiraan 23 qof oo bishii Sebtembar loo soo maray Nairobi kuna yimid Muqdisho.









