Guddiga maamulka shirkadda Nvidia, oo ah shirkadda ugu qiimaha badan adduunka ee sameysa jajabyada kombiyuutarka, ayaa baaritaan madax bannaan ku sameynaya xiriir uu madaxa shirkadda Jensen Huang la lahaa haweeney looga shakiyay inay u basaasaysay Shiinaha.
Haweeneyda lagu magacaabo Alice Huang, oo sidoo kale loo yaqaan Huang Le, waa muwaadin Shiinees ah oo hore uga ahayd madax sare shirkadda Megaspeed International.
Megaspeed ayaa la sheegay inay ahayd mid ka mid ah macaamiisha ugu waaweyn ee Nvidia, iyadoo iibsatay qalab qiimihiisu ahaa qiyaastii 4.8 bilyan oo doollar.
Dabayaaqadii Oktoobar, warbixin baaritaan ah ayaa sheegtay in saraakiisha sirdoonka Mareykanka ay aaminsan yihiin in Beijing ay u shaqaaleysiisay haweeneydaas inay xog ka soo ururiso Jensen Huang, kana shaqeyso iibinta jajabyada Nvidia ee Shiinaha.
Axaddii, Jensen Huang ayaa farriin uu u diray shaqaalaha ku qiray inuu ninimo ka dhacay xaaskiisa, isagoo raali gelin ka bixiyay.
Hase yeeshee horey wuxuu sheegay in xiriirkiisa haweeneydaas uu ahaa mid caadi ah, oo la xiriiray shirkaddeeda.
Guddiga maamulka ayaa sheegay in baaritaanka uu hoggaamin doono guddi agaasimeyaal ah iyo qareenno dibadda laga keenay. Shirkaddu waxay sheegtay inaysan haysan sabab ay ku rumeysato in amniga qaranka Mareykanka ama xogta shirkadda la jabsaday.
Eedeymaha ayaan weli la xaqiijin, lamana oga xogta ay haweeneydu heshay. Ilaa hadda dacwad dambiyeed laguma soo oogin labadooda.
Shiinaha ayaa beeniyay eedeymaha. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn oo lagu aflagaadeynayo Shiinaha.
Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacay Jensen Huang, isagoo ku tilmaamay “nin sharaf leh.” Trump wuxuu sheegay in Huang uu u sheegay inuusan ogeyn in haweeneydu basaas tahay.
Xildhibaanno Jamhuuri ah ayaa Huang ka codsaday inuu 18-ka Noofembar ka hor marag furo Koongaraska.
Arrintan ayaa dib u soo nooleysay doodda ku saabsan iibinta jajabyada Nvidia ee Shiinaha.
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, Huang ayaa sheegay inuu ku qanciyay Trump inuu yareeyo xannibaadda jajabyada loo dhoofiyo Shiinaha.
“Horumarka bulshada aadanaha ma aha ciyaar uu mid guuleysto kan kalena khasaaro,” ayuu Huang u sheegay wariye BBC ah.
Wuxuu sheegay in Trump uu aaminsan yahay in tiknoolajiyadan aysan khatar ku ahayn amniga qaranka, isla markaana ay Mareykanka u roon tahay in adduunka, oo uu Shiinuhu ku jiro, uu ku tiirsanaado tiknoolajiyadda Mareykanka.
Bishii Diseembar, Trump ayaa oggolaaday in Nvidia ay Shiinaha u iibiso jajabka H200. Hase yeeshee jajabyada ugu awoodda badan ee Blackwell ayaa weli laga mamnuucay Shiinaha.
Khubarada amniga qaranka badankood ayaa si kale u arka, iyagoo aaminsan in tartanka sirdoonka macmalka ah uu yahay mid Mareykanku uu ka adkaado Shiinaha.
Senator Elizabeth Warren ayaa dalbatay jawaabo, waxayna ku baaqday in la adkeeyo sharciyada xaddidaya dhoofinta jajabyada.
Saamiyada Nvidia ayaa hoos u dhacay in ka badan 4 boqolkiiba Isniintii, balse qiimaha shirkadda ayaa weli ka badan 4 tirilyan oo doollar.









