Dowladda Finland ayaa diiday inay maalgeliso toddoba mashruuc oo horumarineed oo laga hirgelin lahaa Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay dowladda Soomaaliya inaysan si ku filan uga shaqeyn dib u celinta muwaadiniinteda.
Go’aankan waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta iyo Ganacsiga Dibadda ee Finland, Ville Tavio, oo Isniintii arrintaas ku qoray bartiisa Facebook.
Afar hay’adood oo xarumahoodu ku yaallaan Finland ayaa codsaday wadar ahaan 4.2 milyan oo yuuro, oo loogu talagalay mashaariic socon lahaa intii u dhaxeysa 2027 ilaa 2030.
Tavio ayaa sheegay in Soomaaliya aysan sameyn dadaal ku filan oo ay ku dib u qaadato muwaadiniinteda laga amray inay ka baxaan Finland.
“Iskaashiga horumarineed ee aan la leenahay Soomaaliya weli wuu hakad ku jiraa,” ayuu yiri wasiirka, isagoo sheegay in wasaaraddu aysan xaaladdan maalgelin doonin mashruuc cusub oo horumarineed oo Soomaaliya ah.
Saraakiisha wasaaradda ayaa horey ugu talo bixiyay in afar ka mid ah mashaariicda la siiyo qiyaastii 2.2 milyan oo yuuro, halka saddexda kale ay qiimeyn hoose heleen.
Mashaariicda la diiday waxaa ka mid ahaa tababar xirfadeed iyo shaqo abuur, daryeelka hooyooyinka, ka hortagga rabshadaha ka dhanka ah haweenka, adeegyada caafimaadka maskaxda iyo maareynta qashinka.
Ra’iisul Wasaaraha Finland, Petteri Orpo, ayaa sheegay in dowladdu u baahan tahay inay dib u eegto go’aanka iyo sababaha ka dambeeya.
Hay’adaha samafalka ayaa iyaguna dhaleeceeyay go’aanka.
Johanna Jarvelainen, oo ka tirsan hay’adda Dhakhaatiirta Mas’uuliyadda Bulshada ee Finland, ayaa ka digtay in iskaashi muddo dheer la dhisay uu hadda khatar ugu jiro inuu si lama filaan ah ku dhammaado.
Ilmari Nalbantoglu, oo ka tirsan isbaheysiga hay’adaha Fingo, ayaa su’aal ka keenay sababta hay’adaha loogu oggolaaday inay diyaariyaan mashaariicda, haddii wasiirku horey u aaminsanaa inaysan lacag heli doonin.
Hay’aduhu waxay jawaabta sugayeen tan iyo bishii Juun, mana aysan helin ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan go’aanka.
Finland ayaa horey u hakisay maalgelinta mashaariicda cusub ee horumarinta Soomaaliya, sababo la xiriira dib u celinta dadka, balse mashaariicdii socotay ayaa la sii daayay.
Bishii Agoosto, Tavio wuxuu diblomaasiyiinta u sheegay in wadahadallo lala wado Soomaaliya, isla markaana maalgelinta dib loo eegi karo haddii iskaashiga celinta dadka uu horumar sameeyo.
Bishii Juun, Midowga Yurub ayaa isna adkeeyay shuruudaha fiisaha ee Soomaalida, sababo la xiriira celinta dadka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa bishii Maajo ka sheegay shir Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso muwaadiniinteeda dalka ku soo laabanaya.
Wuxuu ku baaqay in celintu ay ahaato mid ikhtiyaari ah, ammaan ah, sharaf leh oo nidaamsan, iyadoo kiis kasta si gooni ah loo qiimeeyo.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ay dowladda Soomaaliya ka bixisay go’aanka Finland.









