Ciidamada Mareykanka ayaa ka baxay garoonka milatari ee Baledoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen in ka badan 14 sano, iyagoo taageero siinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in askartii ugu dambeysay ay saldhigga ka dhoofeen dabayaaqadii bishii Oktoobar, loona wareejiyay goobo kale oo ku yaalla gudaha Soomaaliya.
Hase yeeshee saraakiishu waxay sheegeen in tiro yar oo ciidamada Mareykanka ah ay weli ku hareen Baledoogle, si ay tababar u siiyaan ciidamada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxay caddeeyeen in tallaabadani aysan macnaheedu ahayn in Mareykanku uu si buuxda u soo afjarayo joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa diiday inuu si toos ah uga hadlo bixitaanka.
“Ilaalinta amniga howlgallada darteed, kama hadallo faahfaahinta howlgallada socda,” ayuu yiri afhayeen u hadlay taliska, isagoo intaa ku daray in taliska uu dib u dejiyo ciidamadiisa si loogu habeeyo howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Lama shaacin tirada askarta ka baxday saldhigga iyo goobaha loo wareejiyay.
Baledoogle ayaa qiyaastii 100 kilomitir waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
Saldhigga ayaa muddo dheer ahaa goob muhiim ah oo ciidamada Mareykanka ka ururiyaan xogta sirdoonka, kana tababaraan ciidamada gaarka ah ee Danab.
Bishii Sebtembar ee sannadkan, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa saldhigga uga qeyb galay xafladda qalin jabinta dufcadda 12-aad ee ciidamada Danab.
Xafladdaas wuxuu ugu mahadceliyay Mareykanka, isagoo ku tilmaamay iskaashiga labada dal mid muhiim ah.
Bishii Maajo 2025, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saldhigga ka dhisayo xarun caafimaad, hoyga askarta iyo hagaajin amni, si uu uga dhigo goob joogto ah.
Sannadkii 2019, saldhigga ayaa la beegsaday weerar culus oo ay qaadday Al-Shabaab, kaas oo ka mid ahaa weerarrada ugu waaweyn ee lagu qaado ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.
Dhammaadkii xilligii koowaad ee Madaxweyne Donald Trump sannadkii 2020, wuxuu amar ku bixiyay in qiyaastii 700 oo askari laga saaro Soomaaliya. Madaxweyne Joe Biden ayaa 2022 dib ugu celiyay boqolaal askari.
Bixitaanka Baledoogle ayaa yimid xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan Shabeellaha Hoose, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.









