Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Midowga Afrika iyo EU oo ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

Midowga Afrika iyo EU ayaa ka digay in yaraanta lacagta howlgalka AUSSOM ay wiiqi karto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 8, 2026, 5:55 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Midowga Afrika iyo EU oo  ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ka digay in yaraanta maalgelinta iyo caqabadaha howlgal ee ka jira howlgalka AUSSOM ay khatar gelin karaan guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Digniintan ayaa ku jirtay war wadajir ah oo kasoo baxay kulanka 17-aad ee sannadlaha ah ee wadatashiga u dhexeeya Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub.

Kulanka ayaa Jimcihii, 6-da Noofembar, lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada hay’adood ayaa muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan yaraanta lacagta iyo caqabadaha howlgal ee soo socda, kuwaas oo ay sheegeen inay dib u celin karaan horumarkii dhowaan la gaaray.

Waxay sheegeen in xaaladdani ay hoos u dhigi karto dardarta dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay adkeyn karto qorshaha ah in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in Soomaaliya ay hoggaamiso qiimeyn lagu sameynayo saameynta ka dhalan doonta dhimista la filayo ee xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Xafiiskaas ayaa bixiya taageerada saadka iyo adeegyada ciidamada howlgalka Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa ku nuuxnuuxsaday in howlgallada nabadda ee Afrika hoggaamiso ay u baahan yihiin lacag la saadaalin karo oo joogto ah.

Waxay soo jeediyeen in lacagtaas ay ka timaado Qaramada Midoobay iyadoo la raacayo go’aanka Golaha Ammaanka ee 2719, Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika iyo taageerada saaxiibada caalamka.

Warka wadajirka ah ayaa ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku leh howlgalka, horumarka ay ka sameeyeen la dagaallanka argagixisada.

Waxay sidoo kale xuseen dalalka ciidamo dheeraad ah u soo diray Soomaaliya iyagoo adeegsanaya heshiisyo laba geesood ah, waxayna u tacsiyeeyeen askartii ku dhimatay howlgalka.

Labada hay’adood ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda madax bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Digniintan ayaa timid xilli Uganda ay bilowday inay ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya, taasoo kordhisay walaaca laga qabo mustaqbalka howlgalka.

Bishii Abriil ee sannadkan, Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa ballanqaaday 75 milyan oo yuuro oo loogu talagalay AUSSOM.

Midowga Yurub ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay ku bixiyay ku dhowaad 2.8 bilyan oo yuuro howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

25 minutes ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

33 minutes ago
Midowga Afrika iyo EU oo  ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

Midowga Afrika iyo EU oo ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

44 minutes ago
Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

1 day ago
QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

1 day ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

1 day ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.