Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaariyeen khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saldhig ku yaalla magaalada Boosaaso loo adeegsaday tababar iyo marin loogu gudbiyo calooshood u shaqeystayaal Kolombiyaan ah oo u dagaallamayay ciidamada RSF ee Suudaan.
Warbixinta oo ah tii afraad ee saddexdii biloodba mar ay soo saaraan Guddiga Khubarada QM ee Suudaan, ayaa Golaha Ammaanka la gaarsiiyay dabayaaqadii Oktoobar, waxaana la sheegay in aan si guud loo shaacin doonin.
Sida lagu sheegay warbixinta, shirkad amni oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, una dhow dowladda Imaaraadka, oo lagu magacaabo Global Security Services Group, ayaa shaqaaleysiisay dagaalyahannadaas.
Warbixinta ayaa sheegtay in calooshood u shaqeystayaasha loo soo mariyay Liibiya, Soomaaliya iyo Chad, kahor inta aan la gaarsiin Suudaan.
Khubarada ayaa xusay in saldhigga Ciidamada Booliska Badda ee Puntland (PMPF) ee Boosaaso uu ahaa goob loo adeegsaday gudbinta iyo tababarka dagaalyahannadaas.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ciidamadaas booliska badda ay maalgeliso, tababarto, kormeertana milatariga Imaaraadka.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hub iyo sahay loo gudbiyay RSF iyadoo la marinayo Liibiya, Itoobiya, Chad, Puntland iyo Somaliland.
Hay’adda Human Rights Watch ayaa horey u sheegtay in qandaraasle Kolombiyaan ah uu u sheegay inuu bishii Maarso 2025 ku sugnaa Boosaaso muddo ku dhow toban maalmood, isagoo la socday koox ka kooban qiyaastii 40 qof.
Qandaraasluhu wuxuu sheegay inay kadib u gudbeen Suudaan, iyagoo maray Imaaraadka iyo Chad.
Calooshood u shaqeystayaashan, oo loo yaqaan “Yeyda Saxaraha,” ayaa lagu eedeeyay inay maamuli jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana ay tababar siin jireen dagaalyahannada RSF.
Baarayaal kale oo QM ah ayaa sheegay in kooxdani ay door muhiim ah ka qaadatay qabsashadii magaalada Al-Faashir bishii Oktoobar 2025, taasoo ay ka dhaceen xasuuq iyo xadgudubyo loo geystay shacab rayid ah.
Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeymaha. Warqad ay Imaaraadku u direen khubarada ayay ku sheegeen inay “diidayaan eedeyn kasta oo khalad ah oo la xiriirta colaadda Suudaan,” balse ay eedeymaha calooshood u shaqeystayaasha si dhab ah u qaadanayaan.
Shirkadda Global Security Services Group ayaa iyaduna beenisay inay dagaalyahanno u qortay Suudaan, waxayna sheegtay in shaqadeedu tahay ilaalinta safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Imaaraadka.
Maamulka Puntland ayaa horey u beeniyay in garoonka Boosaaso loo adeegsaday saldhig duulimaadyo la xiriira Suudaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in aan la oggolaan in dhulka Soomaaliya loo adeegsado howlgallo milatari oo la xiriira dagaalka Suudaan, balse waxay qirtay in xog wadaagga ay la leedahay dowlad goboleedyada uusan dhammeystirnayn.
Dagaalka Suudaan ayaa bilowday bishii Abriil 2023, wuxuuna dhaliyay mid ka mid ah xaaladaha bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.









