Wararka24: Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Boosaaso ay ka mid ahayd marinnada ay isticmaaleen shabakado caalami ah oo sahay milatari, hub iyo shaqaale shisheeye ugu gudbinayay ciidamada RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Sudan.
Warbixin cusub oo ay soo saartay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaqiiqo Raadinta Qaramada Midoobay ee Sudan ayaa lagu sheegay in baarayaashu heleen sababo macquul ah oo lagu aaminsan yahay in shabakad ka howlgashay Imaaraadka Carabta, Chad, Liibiya iyo Soomaaliya ay taageero u fidisay RSF. Shabakadda ayaa la sheegay inay fududeysay gaarsiinta hub, tababar iyo shaqaale shisheeye iyadoo loo marinayo Boosaaso.
Boosaaso ayaa warbixinta lagu tilmaamay meel muhiim ah oo transit ah, iyadoo loo adeegsaday isu-socodka shaqaale iyo xamuul milatari. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in marinnada Soomaaliya, Liibiya iyo Chad ay door ku lahaayeen dhaqdhaqaaqa saadka ee ku wajahnaa deegaannada ay RSF maamusho.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay diyaarado waaweyn oo xamuul ah, gaar ahaan Ilyushin Il-76, kuwaas oo isku xirayay goobo ku yaalla Soomaaliya, Liibiya iyo Chad. Sida lagu sheegay baaritaanka, shabakadahaasi waxay sahay iyo shaqaale uga sii gudbin jireen Sudan.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa 2,000 qandaraasle milatari oo Colombian ah ay ka qeyb qaateen taageerada RSF, iyagoo ka shaqeynayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiicda iyo nidaamyada hubka casriga ah. Qaar ka mid ah qandaraaslayaashaas ayaa la sheegay inay mareen Boosaaso ka hor inta aysan u gudbin Sudan.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa hore u diiwaangelisay waddooyin ay qandaraaslayaal Colombian ah ugu safreen Sudan, oo ay ku jirto marin soo maray Boosaaso, Imaaraadka iyo Chad. Mid ka mid ah qandaraaslayaasha ay wareysatay hay’addu wuxuu sheegay inuu Boosaaso ku sugnaa ku dhowaad toban maalmood, isagoo la joogay koox kale oo qandaraaslayaal ah.
Dowladda Soomaaliya oo aqbashay eedeymaha lasoo jeediyay
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhab ah u qaadatay eedeymaha ku jira warbixinta, balse waxay caddeysay inaysan oggolaan in dhulkeeda, hawadeeda ama dekedaheeda loo adeegsado howlo milatari oo la xiriira dagaalka Sudan. Dowladda ayaa sidoo kale qiratay inay jireen daldaloolo ku saabsan xog-isweydaarsiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada gobollada.
Imaaraadka Carabta ayaa marar badan beeniyay inuu taageero milatari siiyo RSF, halka Chad ay iyaduna diidday eedeymaha la xiriira in dhulkeeda loo adeegsaday gudbinta hub ama taageero militari. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in baaritaankeeda uu diiradda saarayay shabakado iyo shaqsiyaad gaar ah oo ku lug lahaa sahayda iyo fududeynta howlahaas.
Warbixinta QM ayaa sidoo kale ka digtay in taageerada dibadda ay kordhisay awoodda dhinacyada dagaalka, gaar ahaan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Baarayaashu waxay sheegeen in weerarro drone ah oo ay fuliyeen labada dhinac ay sababeen dhimashada dad rayid ah, iyadoo in ka badan 1,000 qof lagu dilay weerarrada noocaas ah shantii bilood ee ugu horreysay 2026.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada ay khusayso inay baaritaan ku sameeyaan shabakadaha hubka iyo shaqaalaha shisheeye ee taageeraya dagaalka, iyadoo ku celisay baaqeeda ku aaddan in la xoojiyo xayiraadda hubka ee Darfur loona ballaariyo dhammaan Sudan.







