Tababaraha kooxda Chelsea, Xabi Alonso, ayaa sheegay inuu dabaaldegi doono haddii kooxdiisu gool ka dhaliso Liverpool, kooxdii uu horey ugu soo ciyaaray, xilli labada kooxood ay maanta oo Arbaco ah garoonka Anfield ku wajahayaan wareegga afraad ee Koobka Carabao.
Alonso, oo shan sano ka ciyaaray Liverpool, kana la guuleystay Koobka FA iyo Champions League-kii 2005, ayaa sheegay in jacaylka uu u qabo kooxdaas uu yahay mid ka soo jeeda xilligii uu ciyaaryahan ahaa, balse hadda uu ku jiro door ka duwan.
“Dabcan, waan dabaaldegi doonaa, hubaal. Ixtiraam buuxa ayaan u hayaa, maxaa yeelay jaceyl weyn ayaan Liverpool u qabaa wuxuu jiray xilligii aan ciyaaryahanka ahaa,” ayuu yiri Alonso, sida ay werisay Goal. “Laakiin hada waxaan ku jiraa door kale. Waa inaan taageeraa kooxdayda iyo naadigayga. Haddii aan gool dhalinno, ixtiraam buuxa ayaan ku dabaaldegi doonaa.”
Xabi Alonso iyo go’aankii 2024
Xabi Alonso ayaa sannadkii 2024 si weyn loola xiriiriyay inuu Liverpool ku beddelo Jurgen Klopp, oo markaas ka tagayay kooxda, balse wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Bayer Leverkusen. Liverpool ayaa markii dambe magacaabatay Arne Slot.
“Xilligaas waxaan joogay Leverkusen, xaaladdana waan ka warqabay, balse waxaan go’aansaday inaan sii joogo. Taasi waxay ahayd go’aankayga xilligaas,” ayuu yiri Alonso.
Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale ka hadlay Florian Wirtz, oo uu Leverkusen ku tababaray, hadana ka ciyaara Liverpool. Wirtz ayaa dhaleeceyn kala kulmay qiimaha 116 milyan oo ginni ee lagu soo iibiyay.
“Wuxuu ahaa ciyaaryahan gaar ah. Aad buu ii caawiyay, aad baan wax uga bartay. Hadda oo uu Liverpool joogo waan la socdaa, wuuna sii horumarayaa,” ayuu yiri Alonso.
Chelsea waxaa ka dhaawacmay Joao Pedro
Chelsea ayaa ciyaarta galaysa iyadoo aan heli doonin weeraryahankeeda Joao Pedro, oo 25 jir ah, kaddib markii uu dhaawac bowdada ah ku gaaray tababarka maalin ka hor ciyaartii Sabtidii ay Chelsea 2-0 uga dhacday Tottenham garoonka Stamford Bridge.
“Wuxuu qabaa dhaawac bowdada ah, wuxuuna maqnaan doonaa dhowr toddobaad,” ayuu yiri Alonso. Joao Pedro ayaa la filayaa inuu seego ciyaaraha Liverpool, Manchester United iyo Sunderland, kana maqnaado ugu yaraan ilaa nasashada caalamiga ah ee xigta,
Kooxda ku guuleysata ciyaarta maanta ayaa u gudbi doonta wareegga siddeed-dhammaadka Koobka Carabao. Liverpool ayaa wareeggii hore ka saartay Tottenham.









