Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Ciyaaraha

Tottenham oo macsalaameysay carabao cup kadiib guuldarro ka soo gaartay liverpool

Liverpool ayaa Tottenham Hotspur ka reebtay tartanka Carabao Cup kadib markii ay 3-1 kaga adkaatay Anfield, iyadoo tababare Andoni Iraola uu sameeyay isbeddello badan oo ku yimid safka kooxda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 16, 2026, 12:49 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Tottenham oo macsalaameysay carabao cup kadiib guuldarro ka soo gaartay liverpool
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Liverpool ayaa Tottenham Hotspur ka reebtay tartanka Carabao Cup kadib markii ay 3-1 kaga adkaatay Anfield, iyadoo tababare Andoni Iraola uu sameeyay isbeddello badan oo ku yimid safka kooxda.

Tottenham oo uu hoggaamiyo Roberto De Zerbi ayaa ugu dambeyn dhalisay goolkeedii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedkan ay ka dhaliso koox ka tirsan Premier League, kadib markii ay afar kulan oo horyaalka ah ku guuldarreysatay inay shabaqa soo taabato.

Liverpool ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 21-aad, markaas oo Alexis Mac Allister uu kubbad ka timid meel ka baxsan xerada ganaaxa u leexiyay geeska sare ee shabaqa. Tottenham ayaa fursad u heshay inay ciyaarta barbarreeyso, balse Mohammed Kudus ayaa kubad meel dhow ka tuuray oo goolka ka sarre martay.

Qeybtii labaad, Liverpool ayaa labanlaabtay hoggaankeeda markii Cody Gakpo uu dhammeystiray weerar ay si wanaagsan u dhiseen ciyaartoyda Reds. Tottenham ayaa jawaab ka bixisay daqiiqaddii 69-aad, iyadoo Conor Gallagher uu kubadda shabaqa ku leexiyay kadib laad-koorne uu soo qaaday Mateus Fernandes.

Goolka Gallagher wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee Tottenham ay ka dhaliso koox Premier League ah xilli-ciyaareedkan. Kooxda martida ah ayaa isku dayday inay hesho goolka barbaraha, balse goolhaye Giorgi Mamardashvili ayaa sameeyay badbaadinno muhiim ah, isagoo ka hor istaagay Omar Marmoush iyo ciyaartoy kale fursado halis lahaa.

Dominik Szoboszlai ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay guusha Liverpool waqtigii dheeriga ahaa, kadib markii uu kubadda laabta ku dejiyay ka hor inta uusan darbo xooggan oo meel fog ah ku hubsannin shabaqa.

Iraola ayaa kulanka sameeyay 10 isbeddel marka loo eego kooxdii barbaraha la gashay Fulham, halka De Zerbi uu Tottenham ku sameeyay siddeed isbeddel marka loo eego kulankii Everton. Joe Gomez ayaa kabtan u ahaa Liverpool, halka Andy Robertson uu kusoo laabtay Anfield isagoo kaydka ku jiray, taasoo noqotay markii ugu horreysay tan iyo markii uu kooxda ka tagay.

Guusha ayaa Liverpool u horseeday inay u gudubto wareegga afraad ee Carabao Cup, iyadoo kooxda ay weli ku jirto bilowga xilli-ciyaareed aan laga badin. Tottenham ayaa dhankeeda laga badiyay saddex ka mid ah lixdii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan, iyadoo guusheeda kaliya ay timid wareeggii hore ee Carabao Cup.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

4 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

5 hours ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

6 hours ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

6 hours ago
Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

6 hours ago
NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

6 hours ago
Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

1 day ago
Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.