Ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa sheegay inay howlgallo ay ka fuliyeen koonfurta deegaanka Leego ku dileen ilaa 21 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Leego ayaa ku taalla xadka u dhexeeya gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose, qiyaastii 110 kilomitir waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
Howlgallada oo dhacay habeennimadii Jimcaha, 20-ka Noofembar, ayaa ahaa kuwo dhul iyo cir ah oo si qorsheysan loo fuliyay, sida lagu sheegay war ay soo saareen ciidamada Danab.
Warka ayaa sheegay in howlgallada lagu burburiyay fariisimo hore oo kooxda, iyo godad iyo hawd ay u qoday si ay uga gabbadaan.
Isla habeenkaas, Mareykanka ayaa la sheegay inuu duqeymo cirka ah ku qaaday goob ay Al-Shabaab ku gaadmo u dhigtay oo u dhow Leego, halkaas oo la sheegay inay ku kaydsanaayeen hub iyo qalab milatari.
Tirada dadka la dilay si madax bannaan looma xaqiijin, mana jirto war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan howlgallada.
Deegaanka Leego ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo hub culus, madaafiic iyo duqeymo cirka ah.
12-ka Noofembar, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada dowladdu ay Al-Shabaab kula dagaallameen deegaanka Shanta Baraako ee duleedka Leego, halkaas oo ay sheegtay in lagu dilay laba taliye oo kooxda ka tirsan.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu 13 ilaa 15-ka Noofembar fuliyay ugu yaraan shan duqeyn oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo laba ka mid ah ay ka dhaceen agagaarka Leego.
Tirada guud ee duqeymaha AFRICOM ay sannadkan ka fulisay Soomaaliya ayaa gaartay 97, sida uu muujinayo diiwaanka taliska.
Al-Shabaab ayaa weli awood ku leh gobolka Baay iyo deegaannada ku xeeran, waxayna marar badan weerarro ku qaadaa saldhigyada ciidamada.
Howlgallada ayaa imanaya xilli Mareykanku uu dib uga laabtay qorshihii uu ku joojinayay maalgelinta taageerada ciidamada caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo xilli ciidamada Uganda ay bilaabeen inay dalka ka baxaan.









