Dagaal habeennimadii Khamiista, 19-ka Noofembar, ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, xilli xiisadda siyaasadeed ee gobolka ay sii kordheyso.
Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka guriga uu deggan yahay Ku xigeenka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, kuna dhex maray ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo maleshiyaad hubeysan oo ka howlgala magaalada.
Maamulka Hirshabele ayaa war uu soo saaray ku sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen guriga ku xigeenka madaxweynaha, balse ciidamada amniga ay iska caabiyeen, kana celiyeen weerarka.
Sida lagu sheegay warka maamulka, weerarka waxaa ku dhimatay haweeney, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo ka tirsanaa kooxda weerarka soo qaaday.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay qabsadeen hub iyo rasaas, oo ay ku jiraan hub fudud iyo qoryaha RPG-ga.
Warbixinnadan si madax bannaan looma xaqiijin, lamana hayo jawaab ka timid dhinaca kale ee dagaalka.
Maxamed Shuuriye Nuur, oo hore u ahaa agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Hirshabeelle, hadana xildhibaan ah, ayaa cambaareeyay weerarka.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdadii,” ayuu yiri, isagoo tacsi u diray qoyska haweeneyda dhimatay, una rajeeyay caafimaad labada qof ee dhawacmay.
Xaaladda Beledweyne ayaa weli kacsan. Labada dhinac ayaa magaalada dhexdeeda ka wada dhaqdhaqaqyo ciidan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhaco.
Xiisadda Beledweyne ayaa salka ku haysa khilaafka ka dhashay doorashadii 24-kii Oktoobar ee Jowhar, taasoo Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) dib loogu doortay madaxweynaha Hirshabeelle, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay ku xigeenkiisa.
Qeybo ka mid ah bulshada Hiiraan ayaa diiday habka ay u dhacday doorashada, waxaana magaalada horey uga dhacay bannaanbaxyo.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa ka mid ah hoggaamiyeyasha ka soo horjeda mamulka Guudlaawe.
Dhowr toddobaad kahor, Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay soo dhexgalaan, si khilaafka loogu xalliyo wadahadal, balse ilaa hadda lama gaarin heshiis.









