Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacadii xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan.
Waddadan ayaa gebi ahaanba laga dhisay hoos, waxayna ka mid tahay mashaariicda waaweyn ee maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado caasimadda.
Xafladda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo degmada Karaan, iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Muungaab ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu casriyeynayo caasimadda, lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, lagu yareynayo culeyska gaadiidka, laguna ballaarinayo adegyada bulshada.
Wuxuu sheegay in waddada laga dhisay dakhliga gudaha ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan canshuuraha ay bixiyaan shacabka magaalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay dadaalada maamulka Gobolka Banaadir, wuxuna adkeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado mashariicda wanajinaya muqalka iyo adegyada caasimada.
Waddada Jamhuuriya ayaa muddo dheer ahayd mashruuc la sugayay. Laba gudomiye oo hore u soo maray gobolka Banaadir ayaa saddex jeer dhagax dhigay waddadan, balse midkoodna ma uusan dhameystirin.
Dhismaha waddada ayaa la filayaa inuu fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka degmada Karaan, oo ah degmo ay ku nool yihiin dad badan.









