Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay inuu faragelin joogto ah ku hayo arrimaha gudaha dalka, waxayna ka dalbatay inuu xiriirkiisa Soomaaliya ku maro dowladda federaalka oo keliya.
War ay wasaaraddu soo saartay Arbacadii, 18-ka Noofembar, ayaa yimid maalin kadib khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay Imaaraadka inuu wiiqayo madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay muujisay “walaac weyn” oo ay ka qabto waxa ay ku tilmaantay faragelinta sii socota ee dowladda Imaaraadka, taas oo ay sheegtay inay khatar ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.
Waxay sheegtay in Soomaaliya ay diidayso “xiriir kasta oo shisheeye ama nidaam amni oo barbar socda oo dhaafsiisan dowladda federaalka.”
Wasaaraddu waxay ku tilmaantay dowladda federaalka inay tahay “hay’adda keliya ee awoodda u leh xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.”
Sidoo kale waxay sheegtay in dowladdu ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax bannaanida dalka, inkastoo aysan faahfaahin tallaabooyinkaas.
Wasaaraddu waxay caddeysay in cabashada Soomaaliya ay si gaar ah ugu saabsan tahay siyaasadaha dowladda Imaaraadka, ee aysan khuseyn saaxiibtinimada labada shacab.
Khudbaddii Talaadada ee telefishinka laga sii daayay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu heshiisyo ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo la galay maamullada gobollada, isagoon la tashan dowladda federaalka.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay inuu dalka ka dhisay saldhigyo milatari iyo ciidamo amni oo ka baxsan nidaamka amniga qaranka, isla markaana uu taageero dhaqaale iyo siyaasadeed siiyay maamullo ka soo horjeeda dowladda federaalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Imaaraadku door weyn ka ciyaaray aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isla markaana uu diiday inuu saxixo bayaanada Carabta iyo Islaamka ee arrintaas cambaareynayay.
Wuxuu intaa ku daray in Imaaraadku uu Liibiya iyo Yaman kaga tagay xaalad kala qeybsanaan ah, uuna hadda doonayo inuu sidaas oo kale ku sameeyo Suudaan iyo Somaaliya.
Bishii Janaayo ee sannadkan, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa la sheegay inay buriyeen dhammaan heshiisyadii amni, difaac iyo dhaqaale ee ay la lahaayeen Imaaraadka, waxayna hawada Soomaaliya ka mamnuuceen diyaaradaha milatariga iyo xamuulka ee Imaaraadka.
Khilaafkan ayaa imanaya xilli xiisad siyaasadeed oo weyn ay ka taagan tahay Soomaaliya, oo la xiriirta doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.









