Xeer ilaalinta degmada Hennepin ee gobolka Minnesota ayaa dacwad isku day dil ah ku soo oogtay nin lagu eedeeyay inuu si arxan darro ah u weeraray darawal Soomaali-Mareykan ah oo u shaqeeya shirkadda Uber.
Ninka la eedeeyay, Samit Apurva Patel oo 25 jir ah, ayaa lagu soo oogay isku day dil heerka labaad iyo xoog ku qaadashada gaari.
Darawalka la weeraray, Maxamed Yuusuf oo 51 jir ah, ayaa hadda ku jira xaalad aad u liidata, isagoo ku jira isbitaalka HCMC ee magaalada Minneapolis. Qoyskiisa ayaa sheegay inuu suuxsan yahay.
Weerarka ayaa dhacay saacadihii hore ee Sabtidii, 14-ka Noofembar, magaalada Hopkins.
Sida ay sheegayaan dukumentiyada maxkamadda, Patel ayaa ahaa rakaab ku jiray gaariga Maxamed. Xeer ilaalinta ayaa aaminsan in Maxamed lagu ceejiyay suunka kursiga, kadibna lagu dul maray gaarigiisa.
Maxamed ayaa soo gaaray dhaawacyo culus, oo ay ku jiraan feedho jabay, lug jabtay, dhaawac lafdhabarta ah, sambabo dhaawacmay iyo dhiig bax gudaha ah.
Walaalkii Maxamed, oo isna darawal Uber ah, ayaa telefoon kula hadlayay xilligii weerarka. Wuxuu sheegay inuu maqlay rakaabka oo weydiinaya magaciisa, kadibna sheegaya inuusan jeclayn magaca Maxamed.
Kadib wuxuu maqlay walaalkii oo Af Soomaali ku qeylinaya.
Waalidiinta Patel ayaa booliska u yeeray, kadib markii uu guriga yimid isagoo u muuqda mid sakhraansan oo walwalsan. Booliska ayaa gaariga Maxamed oo burburay ka helay albaabka guriga.
Maxamed ayaa laga helay god ku yaal waddada agteeda, iyadoo la adeegsaday saacadda casriga ah ee uu xiranaa iyo diyaarad aan duuliye lahayn.
Xeer ilaalisa degmada Hennepin, Mary Moriarty, ayaa weerarka ku tilmaantay mid “aad u arxan daran.”
Hase yeeshee waxay sheegtay in aysan hadda haysan caddeyn ku filan oo lagu cadeyn karo in weerarka uu ka dhashay nacayb jinsiyadeed ama diimeed.
Moriarty ayaa sheegtay in walaaca bulshada Soomaaliyeed uu yahay mid la fahmi karo, marka la eego hadallada siyaasadeed ee dalka ka jira. “Hadda ma haysanno sababta weerarka,” ayay tiri.
Qoyska Maxamed iyo ururka CAIR ee Minnesota ayaa ku baaqay in weerarka loo baaro sidii dambi nacayb ku saleysan.
Shirkadda Uber ayaa sheegtay inay aad uga argagaxday weerarka, waxayna Patel ka mamnuucday adeegsiga barnaamijkeeda.
Olole lacag ururin ah oo loo sameeyay Maxamed ayaa ururiyay in ka badan 400,000 oo doollar.
Patel ayaa la filayaa inuu maxkamad hor yimaado Arbacada. Ilaa hadda lama hayo jawaab uu ka bixiyay eedeymaha loo jeediyay.
Weerarkan ayaa yimid xilli bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ay ka cabanayaan hadallada ka dhanka ah Soomaalida ee ay jeediyaan Madaxweyne Donald Trump iyo taageerayaashiisa.









