Wararka24: Laba dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow garoonka kubadda cagta ee Eden Prairie High School ee gobolka Minnesota, xilli ay socotay ciyaar ay kumannaan qof daawanayeen. Dhacdadu waxay dhacday fiidnimadii Jimcaha, 2-da Oktoobar, intii ay kooxda Eden Prairie la ciyaaraysay Minnetonka.
Booliiska Eden Prairie ayaa sheegay in rasaastu bilaabatay qiyaastii 8:40 fiidnimo, kadib markii ay saraakiishu farageliyeen dagaal weyn oo ka dhacay dhinaca galbeed ee garoonka Aerie Stadium. Wax yar kadib, booliiska ayaa helay warbixin ku saabsan rasaas laga maqlay baarkinka ku yaalla dhinaca waqooyi ee dugsiga.
Labada qof ee dhaawacmay ayaa ah wiilal Soomaali ah oo 17 iyo 18 jir ah, kana soo jeeda magaalada St. Paul. Booliisku waxay sheegeen in labadooduba ay horey u yaqaaneen hay’adaha ammaanka, halka midkoodna aanu ahayn arday dhigta Eden Prairie High School ama Minnetonka High School.
Wiilka 18 jirka ah ayaa laga saaray isbitaalka Hennepin Healthcare Sabtidii, halka 17 jirka uu weli ku jiray isbitaalka, iyadoo dhaawaciisa lagu sheegay mid aan naftiisa halis gelinayn. Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in toogashada loo malaynayo inay ahayd mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday.
Booliiska ayaa markii dambe sheegay in baaritaanka hordhaca ah uu muujinayo in dhacdadu ay ahayd mid la xiriirta kooxo, balse ma aysan shaacin cidda rasaasta ridday ama koox gaar ah oo ay ku eedeeyeen. Warbaahinta qaar ayaa soo xigatay ilo sharci-ilaalin ah oo sheegay in dhacdadu xiriir la leedahay kooxo Soomaali ah, laakiin booliisku si gaar ah uma aysan xaqiijin sheegashadaas.
Toogashada ayaa sababtay in ciyaartii la joojiyo, iyadoo daawadayaashii iyo ciyaartoydii lagu amray inay ka baxaan garoonka. Kumannaan qof ayaa si degdeg ah uga baxay goobta, halka maamulka dugsigu uu sameeyay meel loogu talagalay in waalidiintu kula midoobaan carruurtooda.
Dhacdada kadib, dugsiga ayaa baajiyay xafladdii Homecoming-ka ee loo qorsheeyay habeenkii Sabtida, iyadoo maamulka uu sheegay in bulshada dugsigu ay u baahan tahay waqti ay kaga soo kabato dhacdada. Isniintii, casharrada dugsiga ayaa dib u billowday iyadoo booliis dheeraad ah ay joogeen agagaarka xarumaha waxbarashada.
Ilaa hadda lama shaacin qof loo xiray toogashada. Booliiska Eden Prairie ayaa sheegay inay wadaan baaritaan, ayna la shaqeynayaan hay’adaha kale ee ammaanka si loo ogaado cidda ka dambeysay dhacdada.









