• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xogta Israa’iil oo la sheegay inay ciidamo geysay maamulka Somaliland

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xogta Israa’iil oo la sheegay inay ciidamo geysay maamulka Somaliland
Share

Wararka24: Warbixin uu daabacay wargeyska Middle East Eye ayaa sheegtay in Dowladda Israa’iil ay horraantii sanadkan ciidamo tiro kooban geysay Somaliland. Wargeysku wuxuu soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay iskaashi amni oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.

Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ciidamada la sheegay in la geeyay Somaliland ay yimaadeen kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland bishii December. Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamadaasi ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 50 askari, inkastoo aan jirin xaqiijin rasmi ah oo madax-bannaan oo arrintaasi taageeraysa.

Middle East Eye ayaa sidoo kale sheegtay in xogaha ay heshay ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah ciidamadaasi laga soo xulay askar leh asal Afrikaan ah. Wargeysku wuxuu sheegay inuu xiriir la sameeyay dhinacyada ay khuseyso warbixintu, balse aanu helin jawaabo faahfaahsan oo ku saabsan sheegashooyinkaasi.

Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in Israel iyo Somaliland ay muddo sannado ah iskaashi ka lahaayeen arrimo amni. Hadalkaas ayaa yimid xilli uu socday booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku tagay Israa’iil.

Dhinaca Somaliland, Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali ayaa si cad u beeniyay in Israa’iil ay saldhig militari ku leedahay Somaliland. Wasiirku wuxuu sheegay in aanay jirin wax saldhig ah oo Israel ku leedahay deegaannada Somaliland, inkastoo uu qiray in ay jiraan xiriirro iskaashi iyo taageero dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidamada qaarkood.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo amni ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si joogto ah uga soo horjeesatay heshiis kasta oo militari ama diblomaasiyadeed oo la xiriira Somaliland, iyadoo ku adkeysaneysa in gobolkaasi uu qayb ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta cusub ayaa sii xoojisay doodaha ka taagan heerka iskaashiga labada dhinac, iyadoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn xogaha la xiriira joogitaanka ciidamada la sheegay in la geeyay Somaliland.


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.