• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, May 9, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Maxa iska badalay Wada hadaladi Israel iyo Xamaas? Netanyahu oo sheegay in duqaymihii xalay ay socondoonan + sababta?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Israel iyo Xamaas.

Wararka Ugu Aqrintabadan

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

8 hours ago
Maxkamada oo go’aan ka gaartay ninkii weeraray Ilhaan Cumar

Maxkamada oo go’aan ka gaartay ninkii weeraray Ilhaan Cumar

9 hours ago
Load More
Share

Israel iyo Xamaas.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu amray duqaymihii xalay ee gilgilay Marinka Gaza, isagoo tilmaamay inay sabab u noqotay horumar la’aanta wada hadalada u dhexeeya Israel iyo Xamaas.

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Xamaas. “Wixii hadda ka dambeeya, Israel waxay qaadi doontaa tallaabooyin ka dhan ah Xamaas, iyadoo kordhineysa hawlgalada militariga,” ayuu ku sheegay war saaka ka soo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa dhankiisa ku hanjabay in ay awood u adeegsan doonaan sidii maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza ay dib ugu soo celin lahaayeen guryahooda.

Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay Xamaas inay diidan tahay in la kordhiyo wejigii koowaad ee heshiiskii xabad joojinta ee dhammaaday 1-dii bishan.

Wada hadaladii ugu dambeeyay ee toddobaadkii hore ka qabsoomay dalka Qatar ayaa waxaa hareeyay is mari-waa soo jiitamayay toddobaadyadan. Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo heshiis ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad oo ka bilaabanayay 19-kii January.

Marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza. Muddadii uu socday wejiga koowaad ayay labada dhinac isku dhaafsadeen maxaabiis badan.

Israel ayaa dalbatay in la kordhiyo waqtiga xabad joojinta ee wejiga koowaad, lana sii wado is dhaafsiga maxaabiista, halka Xamaas ay ku adkeysatay in loo gudbo marxaladda labaad, sida ku cad is afgaradkoodii hore.

Sababta Netanyahu u diidan yahay wejiga labaad ee wada hadalada Israel iyo Xamaas

Sababta ay Israel u diidan tahay in ay gasho wejiga labaad ee heshiiska, waa iyadoo ka carareyso in ciidamadeeda ay kala baxdo meelaha ay haatan ka joogaan Marinka Gaza. Tani waa sababta ay u dalbaneyso in la kordhiyo xabad joojintii jilicsaneyd ee Gaza ka jirtay.

Marxaladda labaad ayaa horseedeysa in la soo afjaro colaadda Gaza, ka dib wax ka badan 15 bilood oo dagaal lagu riiqmay ah. Labada dhinac ayaana isku khilaafsan, halka looga dhaqaaqayo isgoyska la taagan yahay.

Diidmada bilowgii ka timid dhinaca Israel ee ku saabsaneyd inaysan geli doonin wejiga labaad ee heshiiska ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee soo food saartay heshiiska.

Tallaabada ugu dambeysay iyo saamaynta Gaza

Israel ayaa 2-dii bishan dib u soo celisay xanibaaddii ay ku haysay qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, waxaana xigay korontada oo ay ka jirtay dhulka go’doonsan.

Tallaabadii ugu dambeysay ay Israel xalay dib ugu bilowday weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee dadka Gaza ayaa calaamad u ah in Tel Aviv ay burburisay heshiiskii halka lug ku taagnaa. Weeraradan ayaa soo afjaray ku dhawaad laba bilood oo deganaansho ay ka jirtay Marinka Gaza.

Dadka reer Gaza ayaa u muuqdo in ay ku laabanayaan waqtigii adkaa ee colaadda, iyadoo lagu guda jiro tobanka dhexe ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Xamaas waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in heshiiska uu sii shaqeeyo, haddii Netanyahu uu dhankiisa diyaar u yahay in uu aqbalo in loo gudbo wejiga labaad, si loo xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Israel iyo Xamaaswararka caalamkawararka manta
Previous Post

Ciidanka Asluubta oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab marki ugu Horeysay + SAWIRO

Next Post

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab kale manta + wadanka laga leeyahay?

Related Posts

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

by Amin Cali Abdi
3 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada...

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

by Amin Cali Abdi
3 hours ago

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro...

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

by Amin Cali Abdi
3 hours ago

Wararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay...

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

by Amin Cali Abdi
4 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray dibadbaxa ay qorsheynayaan inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho,...

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

by Amin Cali Abdi
7 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti City, halkaas...

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

by Amin Cali Abdi
8 hours ago

Wararka24: Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda...

Load More
Next Post
Burcad-badeed Soomaali

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab kale manta + wadanka laga leeyahay?

Daraawiishta Puntland iyo Daacish

Daraawiishta Puntland: Dagaal culus oo ka dhacay buuraleyda Xabley oo Kadan ah Daacish

Axmed Madoobe

Axmed Madoobe Dhiig itobiyaan ah aya ku jira, Safiir Itoobiyan ah ayaa sida yidhi..

Recommended

Putin

Erdogan oo Putin ula Hadlay Dagaalka Israel iyo Iran

11 months ago
Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

2 months ago
Kenya

Kenya oo Diiday Qorshahe weyn oo ay Somaliland wadatay + Sababta

12 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Muujiyey Walaac Ku Saabsan Madaxweyne Xasan Sheekh

12 months ago
DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

2 months ago
Maxamed Cali Ameeriko

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo lo magacaabay xilweyn + sababta?

9 months ago
NISA

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.