• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Ciidamada Israel oo Maanta ka Baxaya Netzarim, Gaza

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Ciidamada Israel

Ciidamada Israel oo Maanta ka Baxaya Netzarim, Gaza

Share

Wararka24; Ciidamada Israel ayaa saacadaha soo socda ku bixi doona saldhiggii ay ku sameysteen Isgoyska Netzarim ee Marinka Gaza, sida ay sheegeen wararka.

Ciidamada Israel
Ciidamada Israel oo Maanta ka Baxaya Netzarim, Gaza

Ciidamada Israel, oo Sabtidii oo dhan diyaargarow u ahayd, ayaa la filayaa inay Axaddan si buuxda uga baxaan saldhiggaasi. Sida ku cad heshiiska xabad joojinta ee Gaza, oo bilaabmay 22-kii bishan, Ciidamada Israel ayaa looga baahan yahay inay ka baxaan saldhigga Netzarim.

Heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeya  Israel iyo Xamaas, oo 19-kii bishii January ka dhaqangalay, ayaa ah mid looga dan leeyahay inay dhammaan doonaan guud ahaan Marinka Gaza.

Ka bixitaanka Ciidamada Israel ee saldhigga Netzarim waxay muujinaysaa inuu si wanaagsan u shaqeynayo wejiga koowaad ee heshiiska, iyo sidoo kale dib u gurashada militari ee Israel qaybaha dhexe iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Saldhigga Netzarim, oo Ciidamada Israel ku xadidayeen isu socodka shacabka ee koonfurta iyo waqooyiga Gaza,

A yaa noqday meel murugo iyo dhibaato badan ku abuuray dadka reer Gaza. Dadka reer Gaza ayaa dareemi doona ammaan marka Israel ay si dhameystiran uga baxdo halkaasi.

Falastiiniyiinta ayaa muddo dheer ugu yeeri jiray Netzarim “dariiqa dhimashada.” Tan iyo markii Ciidamada ay halkaasi qabsadeen, waxay ka mamnuuceen dadka inay hore iyo dib ugu socdaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale waddada ka sameystay jidgooyo ay ku dhibi jireen dadka shacabka ah. Marar badan ayay ku dileen dad rayid ah oo laga soo barakaciyay waqooyiga Gaza, laguna khasbay inay koonfurta iyo bartamaha u guuraan.

Ciidamada ayaa burburiyay guryo fara badan oo ku yaalay halkaasi, taas oo keentay inay dadka guryahooda la burburiyay awoodi doonaan inay soo eegaan hantidoodii.

Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale galaangal u yeelan doona inay si xor ah ugu kala socdaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza, iyadoo Ciidamada ka baxaysa saldhigga Netzarim.

Wararka24


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.