• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Dib u Dhigista Sii deynta Maxaabista ee Xamaas ayaa kiciyay Muran iyo Mudaharad

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
dib u dhigista

Shacabka oo diidan dib u dhigista sii deynta maxaabiista

Share

Wararka24, Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista ayaa mowjado weyn ka kicisay gudaha Israel, iyadoo shacabka dib u soo celiyay cadaadiskii ay xukuumadda ku saarayeen inay heshiis wax ku ool ah la gasho Xamaas.

dib u dhigista
Shacabka oo diidan dib u dhigista sii deynta maxaabiista

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudubtay heshiiska xabad joojinta, waxaa xalay gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo ay shacabka ku dhalleeceynayaan dowladooda.

Shacabka Israel ayaa maanta dibadbaxyadooda ka sii wada Magaalada Jerusalem (Qudus), iyagoo xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbanaya inaanay wax xadgudub ah ku samayn heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga.

dib u dhigista
Shacabka oo diidan dib u dhigista sii deynta maxaabiista

Dibadbaxayaal aan badneyn ayaa xiray waddada isku xirto Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, si dowladda ay u taageerto heshiiska xabad joojinta, iyadoo aanu jirin wax carqaladeyn ah.

Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista ayaa sabab u noqotay in dibadbaxayaasha ay si kulul Dowladda Netanyahu ugu eedeeyaan inaysan dhab ka ahayn xaqiijinta iyo hirgelinta heshiiska.

Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ee galbeedka Jerusalem, iyagoo dalbanaya in maxbuus kasta hoygiisa lagu soo celiyo.

Dibadbaxayaasha ayaa garaacaya durbaano, waxayna wataan sawirrada maxaabiista qaarkood iyo boorar ay ku qoran yihiin ‘hala soo celiyo’. Qaarkood ayaa gacmahooda soo marsaday rinji cas, si ay ugu muujiyaan maxaabiista dhimatay iyadoo la soo badbaadin karay iyo in kuwa weli nool ay noloshooda ku xiran tahay dowladda hadda jirta.

Shacabka ayaa isugu soo baxay bannaanka Xafiiska Raysal Wasaaraha, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Golaha Wasiirada ee Amniga Israel. Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in goluhu uu ka arrinsanayo jawaabta ay tahay in laga bixiyo dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista.

Ka hor kulanka, Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay’adaha ammaanka kala hadlay qiimeyntooda ku saabsan arrintan. Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeeyay inay isku dayayaan in gebi ahaanba heshiiska la wiiqo, si meesha looga saaro xabad joojinta iyo isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Qoysaska ayaa xabad joojinta u arka rajada keliya ee ay ka qabaan inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan, waxa ayna riixayaan in Xamaas lala galo heshiis horseedaya in maxaabiis badan la soo sii daayo.

Netanyahu ayaa dhammaadkii isbuuca diray farriin uu ku sheegayo xaqiiqadii inaanan loo baahneyn in laga gudbo marxaladda koowaad ee heshiiska.

Xamaas ayaa horey ugu eedeysay Netanyahu in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.

  • Fahad Yaasiin oo cambaareeyay dhimista lacagaha qoysaska askarta dhimatay

    Fahad Yaasiin oo cambaareeyay dhimista lacagaha qoysaska askarta dhimatay

    ShareWararka24: Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Fahad Xaaji Yaasiin Daahir, ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in la dhimay lacagaha taageerada ah ee loo qoondeeyo qoysaska askarta ku dhimatay gudashada waajibaadkooda, ciidamada ku naafoobay dagaallada iyo hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in cabashada ku saabsan daryeelka qaybahaasi aysan…

    Sii Aqri


    September 26, 2026
  • Turkiga iyo Pakistan oo taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudiga

    Turkiga iyo Pakistan oo taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudiga

    ShareWararka24: Turkiga iyo Pakistan ayaa taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudi Carabiya, iyadoo Riyadh ay dalbatay kulan degdeg ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska difaaca wadajirka ah ee saddexda dal, xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen. Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in Taliyaha Guud ee Ciidamada, General Selçuk Bayraktaroğlu, uu u safrayo Riyadh…

    Sii Aqri


    September 26, 2026
  • Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

    Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

    ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…

    Sii Aqri


    September 25, 2026

Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.