Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay qoraneyso in ka badan 20,000 askari oo cusub, xilli ciidamada Uganda ay dalka ka baxayaan.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 23, 2026, 2:45 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qoraneyso in ka badan 20,000 oo askari oo cusub, kuwaas oo lagu kordhin doono qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.

Ku dhawaaqista waxaa sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo Isniintii, 23-ka Noofembar, shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay qaadaneysaa ciidan ka badan 20,000,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in qorista ciidamadan ay ujeddadedu tahay in Somaliya ay yeelato ciidan ku filan oo difaaca dalka iyo sugidda amniga guud, xilli ciidamada shisheeye ay isku diyarinayan inay dalka ka baxaan.

Wuxuu dhallinyarada Somaaliyed, rag iyo dumarba, ugu baaqay inay ka qeyb qaataan, isagoo si gaar ah ugu dhiirrigeliyay dhallinyarada wax bartay inay ku biiraan ciidamada.

Wasiirka ayaa sheegay in qof kasta oo wax bartay uu waajib ku yahay inuu ka qeyb qaato difaaca dalka, meel kasta oo fursad u jirto.

Ku dhawaaqista ayaa timid xilli Uganda, oo ah dalka ugu ciidamada badan howlgalka AUSSOM, ay bilowday inay ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee ku jiray heshiiska laba gesoodka ah ee Kampala iyo Muqdisho ayaa horey u bilaabay inay dalka ka baxaan, halka kuwa AUSSOM ay si tartiib tartiib ah u bixi doonaan ilaa dhamaadka sannadka 2027.

Dowladda ayaa horey u sheegtay inay higsanayso inay dhisto ciidan qaran oo gaaraya 100,000 askari, si ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Mudoyinkii dambe, kumanaan askari oo cusub ayaa tababar ku qatay gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo ay taageero ka heleen dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar iyo Sacuudi Carabiya.

Mareykanka ayaa toddobaadkii hore dib uga laabtay qorshihii uu ku joojinayay maalgelinta taageerada ciidamada caalamiga ah ee Somaliya, isago oggoladay in hal sano lagu kordhiyo howlaha UNSOS iyo AUSSOM.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.