Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka Mareykanka ee ah inuu taageero sii kordhinta howlgalka AUSSOM iyo xafiiska UNSOS.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 17, 2026, 10:59 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aan uu Mareykanku dib uga laabtay qorshihii ahaa inuu joojiyo maalgelinta taageerada caalamiga ah ee ciidamada ka howlgala Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageeri doono sii kordhinta hal sano ah ee howlaha xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Afhayeen ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wakaaladda AFP u sheegay in Washington ay taageeri doonto sii kordhintaas.

Hase yeeshee afhayeenka ayaa ka digay “ballanqaadyo aan dhammaad lahayn,” wuxuuna Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku booriyay inay dardar geliyaan qorshayaasha loogu gudbayo xal amni gobolleed oo waara.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in go’aankani uu xaqiijinayo “iskaashiga joogtada ah” ee labada dal.

Wasaaraddu waxay Mareykanka ku tilmaantay “saaxiibka ugu weyn uguna adag” ee Somaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxay sheegtay in taageeradu ay gacan ka geysan doonto ilaalinta guulaha dhowaan la gaaray, isla markaana ay u suurtagelin doonto ciidamada Soomaaliyeed inay amniga ku ballaariyaan deegaannada la xoreeyay.

Sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in Somaaliya ay higsanayso inay mustaqbalka dhow la wareegto mas’uuliyadda koowaad ee amniga dalka.

Bishii Luulyo, Washington ayaa Midowga Afrika ku wargelisay inay qorsheyneyso joojinta maalgelinta UNSOS, isla markaana ay ka soo horjeeddo taageero kasta oo dheeraad ah kadib sannadka 2026.

Go’aankan cusub ayaa yimid xilli waqtiga howlgallada labada hay’adood uu ku eg yahay 31-ka Diseembar, iyadoo Golaha Ammaanka uu go’aan ka gaari doono sii kordhintooda.

Mareykanka ayaa ka mid ah deeq bixiyeyaasha ugu waaweyn ee howlgallada nabadda ee Soomaaliya. Wuxuu ku dhowaad 2 bilyan oo doollar ku bixiyay UNSOS iyo xafiiskii ka horreeyay, iyo qiyaastii 1.6 bilyan oo doollar dalalka ciidamada ku leh howlgalka.

Golaha Guud ee QM ayaa oggolaaday miisaaniyad dhan 481.4 milyan oo doollar oo loogu talagalay xafiiska taageerada ilaa Juun 2027.

Xafiiskaas ayaa taageero siin kara ilaa 20,900 askari oo Soomaaliyeed.

Go’aanka ayaa imanaya xilli Uganda, oo ah dalka ugu ciidamada badan AUSSOM, ay bilowday inay ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya. Uganda ayaa horey u wareejisay shan saldhig oo ku yaallay Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa horraantii bishan ka digay in yaraanta maalgelinta ay dib u celin karto horumarka laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

3 hours ago
Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

3 hours ago
Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

21 hours ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

23 hours ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

24 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

1 day ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

1 day ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.