Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xukunka hayay in ka badan 25 sano, haddana weli si rasmi ah uma magacaabin cid ka dambeysa.
Putin, oo hadda 73 jir ah, ayaa ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer xukunka haya Ruushka tan iyo Joseph Stalin.
Isbeddelladii dastuurka ee 2020 ayaa dib u eegay tirinta muddooyinkiisa xileed, taasoo u oggolaanaysa inuu xilka sii hayo ilaa 2036 haddii dib loo doorto.
Hase yeeshee khubarada ayaa ka digaya in Ruushku uusan si fiican ugu diyaar garoobin xilliga Putin kadib.
Sida uu dhigayo dastuurka, haddii jagada madaxweynaha ay bannaanaato, ra’iisul wasaaraha ayaa si ku meel gaar ah u qabanaya xilka, waxaana doorasho madaxtooyo la qabanayaa saddex bilood gudahood.
Hase yeeshee falanqeeyayaal ayaa sheegaya in go’aanka dhabta ah uu ka iman doono koox yar oo ah masuuliyiin siyaasadeed iyo kuwo amni, iyadoo loo marayo wadahadallo iyo loollan gudaha ah.
Warbixin ay wargeyska Washington Post daabaceen bishii Sebtembar ayaa magacawday toddoba qof oo loo arko inay suurtagal tahay inay Putin xilka kala wareegaan.
Kan ugu horreeya waa Ra’iisul Wasaare Mikhail Mishustin. Dastuurka ayaa u oggolaanaya inuu la wareego awoodaha madaxweynaha haddii loo baahdo, balse kooxaha amniga ayaa u arka mid ka baxsan wareeggooda.
Alexei Dyumin ayaa ahaa ilaaliyihii gaarka ahaa ee Putin. Wuxuu soo qabtay jagooyin sare oo milatari iyo sirdoon, wuxuuna noqday guddoomiyaha gobolka Tula, kadibna 2024 kaaliye u noqday Putin.
Dmitry Patrushev, oo ah Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, ayaa ah wiilka Nikolai Patrushev, oo hore u ahaa agaasimaha hay’adda sirdoonka FSB, isla markaana ka mid ah dadka ugu dhow Putin.
Boris Kovalchuk ayaa ah wiilka ganacsadaha Yuri Kovalchuk, oo lagu tilmaamo saaxiib dhow oo Putin ah. Sannadkii 2024 ayaa loo magacaabay madaxa xafiiska hanti dhowrka.
Denis Manturov ayaa noqday Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Koowaad sannadkii 2024, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay warshadaha hubka.
Sergei Kiriyenko ayaa hore Ra’iisul Wasaare uga soo noqday xilligii Boris Yeltsin, hadana wuxuu maamulaa siyaasadda gudaha ee Kremlin.
Khubarada ayaa sheegaya in nidaamka awoodda Ruushka ay maamulaan kooxo ka kooban milatari, sirdoon iyo ganacsato waaweyn, taasoo adkeyneysa in la saadaaliyo cidda ka dambeyn doonta Putin.
Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta maamuli doona xilliga kala guurka ayaa iyaguna ku jira da’da toddobaatanka.
Putin ma uusan muujin calaamad uu ku doonayo inuu xilka ka dego, mana jirto caddeyn muujinaysa inuu doorbidayo musharrax gaar ah.









