Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu Isniinta, 23-ka Noofembar, u ambabaxayo magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu booqasho hal maalin ah ku tagayo.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha uu kulan la yeelan doono Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
Wadahadallada labada madaxweyne ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xaaladda siyaasadeed ee Somaliya, amniga iyo arrimaha gobolka.
Ilaa hadda lama hayo war rasmi ah oo Madaxtoyada ay ku xaqiijisay safarka.
Booqashadan ayaa imanaysa xilli Uganda ay bilowday inay ciidamadeeda ka saarto Somaliya.
Ciidamada qaar ayaa ku jiray heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Kampala iyo Muqdisho, halka kuwa kale ay ka tirsan yihiin howlgalka AUSSOM. Kooxdii ugu horreysay ayaa horey dalkodii ugu laabatay, halka ciidamada AUSSOM ay si tartiib tartiib ah u bixi doonaan ilaa dhammaadka sannadka 2027.
Uganda ayaa ah dalka ugu ciidamada badan howlgalka AUSSOM.
Safarka ayaa sidoo kale yimid xilli khilaafka siyasaded ee dowladda iyo mucaaradka uu sii xoogeysanayo.
Golaha Mustaqbalka Somaliyeed ayaa diiday dalab madaxweynaha uu ku doonayay wadahadal toos ah. Golaha ayaa sheegay in uu 13 jeer la kulmay madaxweynaha, balse aysan jirin natiijo muuqata oo ka soo baxday, sidaas darteed uusan diyaar u ahayn inuu waqti dheeraad ah ku bixiyo kulan kale.
Mucaaradka ayaa ku adkeystay in wadahadal kasta uu u baahan yahay dhexdhexaadin caalami ah.
Shirkii wadatashiga qaran ee madaxweynaha ugu yeeray mucaaradka, oo la qorsheeyay inuu dhaco 14 ilaa 18-ka Noofembar, ayaa isna dib u dhac ku yimid.
Maxkamadda Sare ayaa dhinacyada siisay ilaa 5-ta Diseembar inay ku heshiiyaan qaab doorasho.
Xasan Sheekh ayaa bishii Luulyo ee sannadkan booqasho ku tagay Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay shir madaxeed ku saabsan howlgalka AUSSOM, kana wada hadlay Museveni.









