Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Imaaraadka ku eedeeyay dilka dadka Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, isagoo aan soo bandhigin caddeymo.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 21, 2026, 12:11 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dadka ku dhimanaya dagalada gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, isla markaana uu si toos ah ama si dadban ugu lug lahaa xasuuqa ka dhacay Marinka Gaza.

Xamza ayaa eedeyntan ka jeediyay xaflad magaalada Muqdisho lagu sharfayay kooxda fanka ee Waaberi.

“Waxa ka dhacay Gaza iyo xasuuqa meshas ka dhacay, way ku lug leeyihiin, ha ahaato si dadban ama si toos ah,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa yimid isla maalintii dowladda federaalka ay safiirka Imaaradka, Axmed Jumca Al-Rumaythi, siisay 72 saacadood inuu dalka uga baxo. Dowladda ayaa sidoo kale dib u yeeratay safiirkii Soomaaliya ee Abu Dhabi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaliyed ay dowladda ku cadaadinayen inay talaabo ka qaado Imaaraadka.

Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inuu door ku lahaa burburka Liibiya iyo Yaman, isla markaana maleeshiyaad uu hubeeyay ay magaalada Al-Faashir ee Suudaan ku dileen in ka badan 6,000 oo qof.

Xamza ayaa sheegay in Imaaraadku uu bixiyo lacag, rasaas iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo la adeegsado dagalada gudaha Somaliya.

“Qof kasta oo aan ku waayno Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, iyaga ayaa mas’uul ka ah,” ayuu yiri.

“Haddii ay Al-Faashir saddex saacadood ku dileen 6,000, maanta waxaan wajahaynaa Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose,” ayuu intaa ku daray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu kooxaha mucaaradka Somaaliyeed isugu keenay Dubai, isla markaana uu lacag u ballanqaaday kuwa hub u qaata dowladda.

Tan iyo bartamihii Agoosto, dagaallo ayaa ka socday gobolka Baay iyo agagaarka Baydhabo, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in dagaallada Baydhabo iyo agagaarkeeda ay barakiciyeen in ka badan 18,000 oo qof, halka mutadawiciin ka tirsan Bisha Cas ee Soomaaliyeed ay isbitaallada geeyeen 527 qof oo dhaawac ah.

Xamza ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu ka shaqeynayo kala qeybinta Soomaaliya iyo inuu Israa’iil soo galiyo dalka, isagoo tilmaamay xiriirka Somaliland la leedahay Tel Aviv.

“Maanta dalkeenna waa la soo weeraray. Cadow ayaa is biirsaday oo na soo weeraray,” ayuu yiri, isagoo Al-Shabaab ku daray waxa uu ugu yeeray isbaheysiga cadowga.

Ra’iisul Wasaaraha ma uusan soo bandhigin caddeymo ku saabsan eedeymahaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa Khamiistii war ay soo saartay ku cambaareysay waxa ay ugu yeertay “dhaqanka colaadda iyo abuurista xiisadda” ee dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa sheegay in mowqifka Muqdisho aysan ku dhisneyn mas’uuliyad, isla markaana uu wiiqayo xiriirka labada dal. Wuxuu intaa ku daray inuu horey u xiray safaaraddiisa Muqdisho, kana soo celiyay diblomaasiyiintiisa bishii Janaayo 2026.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa isna cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “hadallo aan mas’uuliyad lahayn” iyo “olole warbaahineed oo xaasidnimo ah” oo ay masuuliyiinta Soomaaliyeed ku beegsanayaan Imaaraadka.

Wuxuu sheegay in dalalka Khaliijku ay si buuxda u diidayaan olole kasta oo lagu aflagaadeynayo dal xubin ka ah golaha.

Imaaraadka ayaa 2020 xiriir la sameeyay Israa’iil, iyadoo la raacayo heshiisyada loo yaqaan Abraham Accords. Hase yeeshee wuxuu Gaza u gudbiyay gargaar bini’aadantinimo intii uu dagaalku socday.

Xiisadda labada dal ayaa sii kordhaysay tan iyo bishii Janaayo, markii Soomaaliya ay burisay dhammaan heshiisyadii dekedaha, amniga iyo dhaqaalaha ee ay la lahayd Imaaraadka.

Toddobaadkan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu wiiqayo madax bannaanida dalka, halka lataliyaha Madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, uu Xasan Sheekh ku tilmaamay “madaxweyne xilkiisu dhammaanayo.”


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 second ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

11 minutes ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

32 minutes ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

43 minutes ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

21 hours ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

2 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

2 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.