Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyin ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay inay sii hurinayaan xiisadda isla markaana dhaawacayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.‎‎War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
November 20, 2026, 4:10 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyin ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay inay sii hurinayaan xiisadda isla markaana dhaawacayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
‎
‎War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in go’aannada saameynaya xiriirka dowladaha ay tahay inay ku dhisnaadaan danaha wadajirka ah, kana fogaadaan khilaafaadka siyaasadeed iyo arrimaha gudaha ee dalalka.
‎
‎Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka xun tahay waxa ay ku tilmaantay isku dayga dowladda Soomaaliya ay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ay ku lifaaqeyso xiriirka labada dowladood. Waxay ka digtay in tallaabooyinka noocaas ahi ay saameyn ku yeelan karaan danaha labada shacab.
‎
‎Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay inuu bishii Janaayo ee sanadkan xiray safaaraddiisa Muqdisho, isla markaana uu Soomaaliya kala baxay diblomaasiyiintiisa. Tallaabadaas ayuu ku sababeeyay waxa uu ku tilmaamay dhaqammo cadaawadeed oo dowladda Soomaaliya kula kacday safaaradda iyo siyaasadaha Imaaraadka.
‎
‎War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku baabi’isay heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee kala dhexeeyay Imaaraadka, kaas oo qayb ka ahaa khilaafka labada dal.
‎
‎Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay inay weli qadarin weyn u hayso shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay qiimeyso xiriirka taariikhiga ah iyo xusuusta wadajirka ah ee labada bulsho.
‎
‎Waxay intaas ku dartay in Imaaraadku ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta xiriirkaas, gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Soomaalida ku nool gudaha Imaaraadka iyo dadka Soomaaliyeed ee booqda dalkaas.
‎
‎Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaya khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan. Xiisadda ayaa la xiriirta arrimo ay ka mid yihiin heshiisyadii labada dhinac, doorka Imaaraadka ee Soomaaliya iyo eedeymo ku saabsan faragelin siyaasadeed.
‎
‎Khilaafkan ayaa sidoo kale dib noo xusuusinaya tallaabo la mid ah tii ay qaaday dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xilligaas oo Soomaaliya ay Imaaraadka ku eedeysay faragelin ay ku hayaan arrimaheeda gudaha.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

3 hours ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

3 hours ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

3 hours ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

3 hours ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

23 hours ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

2 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

2 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.