Imaaraadka Carabta ayaa ka digay in dalalka Khaliijka ay u baahan yihiin inay isu diyaariyaan xilli dheer oo hubanti la’aan ah, maadaama aan la garanayn goorta uu dhammaanayo dagaalka Mareykanka iyo Iran.
Digniintan waxaa soo saaray Anwar Gargash, oo ah lataliyaha arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zaayid Aal Nahyan.
Gargash ayaa hadalkan ka jeediyay shir caalami ah oo looga hadlayay amniga iyo siyaasadda gobolka, kaas oo Isniintii lagu qabtay magaalada Abu Dhabi.
Wuxuu sheegay in dalalka Khaliijka ay u baahan yihiin “inay isu diyaariyaan xilli dheer oo hubanti la’aan ah,” isla markaana cawaaqibta dagaalka ay sii jiri karto muddo dheer.
Gargash ayaa tilmaamay in xal siyaasadeed oo dhammeystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka, oo hadda ka badan siddeed bilood socday, uu u muuqdo mid adag in la gaaro.
Wuxuu xusay in Imaaraadku uu bilowgii ka soo horjeeday weerarka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo.
Hase yeeshee Imaaraadka ayaa noqday mid ka mid ah dalalka ay saameysay jawaabtii Iran, kadib markii Tehran ay weerartay dalalka Khaliijka ee ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka.
Gargash wuxuu sheegay in Imaaraadku u baahan yahay inuu maalgashi ku sameeyo awoodiisa difaaca, ilaaliyo awood ka hortag oo la isku halleyn karo, isla markaana xoojiyo iskaashiga amni ee uu la leeyahay saaxiibadiisa caalamka.
Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga difaaca ee Imaaraadka iyo Mareykanka.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Imaaraadku u baahan doono wadahadal joogto ah oo uu la yeesho Iran iyo dalalka kale ee gobolka, si loo sugo amniga Khaliijka.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu telefishinka CNN u sheegay in weerarro cusub oo lagu qaado Iran aysan u badnayn haddii wadahadallada ay horumar sameeyaan.
Trump ayaa sheegay in go’aankiisu ku xiran yahay in Iran ay saxiixdo heshiis adag.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa isna Axaddii sheegay inuusan filayn horumar diblomaasiyadeed oo dhakhso ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Mareykanka ayaa hadda Bariga Dhexe ku haya laba koox oo markab hawada, halka ay socdaal ku tahay koox saddexaad. Sidoo kale wuxuu go’doomin badeed saaray dekedaha Iran.
Iran ayaa dhankeeda weerartay maraakiib maraysay marinka Hormuz, halka kooxda Xuutiyiinta ee Yaman ay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadaan garoomada, dekedaha iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.









