Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay la xiriiraan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, si uu uga qeyb galo wadahadallo lagu xallinayo xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan.
Ugaas Yuusuf ayaa ah Ugaaska guud ee beesha Xawaadle.
Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu dhageysto tabashooyinka jira, isla markaana uu ka wada hadlo arrimaha ay beeshu soo jeedinayso.
Wuxuu intaa ku daray in maamulkiisu qaadi doono talaabo kasta oo horseedi karta is faham, laguna soo afjari karo khilaafka sii kordhaya.
Dhinaca kale, Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, oo ah Imaamka guud ee beesha Mudullood, ayaa jid u furay wadahadallo uu la yeesho Ugaas Yuusuf.
Ujeeddada dadaalladan ayaa ah in hoggaamiyeyasha dhaqanka iyo siyasadda la isugu keeno, si wax looga qabto asalka khilaafka.
Xiisadda ayaa salka ku haysa doorashadii 24-kii Oktoobar ka dhacday magaalada Jowhar, taasoo Guudlaawe dib loogu doortay madaxweynaha Hirshabeelle, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay ku xigeenkiisa
Siyaasiyiin, odayaal iyo qeybo ka mid ah bulshada Hiiraan ayaa diiday habka ay u dhacday doorashada. Waxay sheegeen in aan horay looga heshiin wakiilnimada gobolka iyo qaybsiga awoodda maamulka.
Toddobaadkii hore, Ugaas Yuusuf ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa ku yaalla Beledweyne ku sheegay in Hiiraan uu wajahayo duullaan ay wadaan kooxo ku shaqeynaya “magac qabiil iyo shaati dowladeed.”
Wuxuu ugu baaqay xubnaha beesha ee ka tirsan hay’adaha amniga dowladda “inaysan ka qeyb qaadan hawlgallo ka dhan ah bulshada deegaankooda,” isagoo ku dalbaday inay isugu yimaadaan Beledweyne.
Baaqaas ayaa walaac ka abuuray in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo iska horimaad amni.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka digay in tabashooyinka bulshada lagaga jawaabo xoog milatari, waxayna ku baaqeen in fursad la siiyo odayaasha si ay u dhexdhexaadiyaan.
Weli lama gaarin heshiis rasmi ah, xiisadduna waxay ka taagan tahay magaalada Beledweyne.









