Wararka24: Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo hannaanka loo wajahayo doorashada maamulka HirShabelle iyo qorshaha lagu diyaarinayo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan deegaanada maamulka.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, iyagoo muujiyay sida ay uga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhaneyn. Banaanbaxayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan ay dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo bulshada deegaannada HirShabelle ay ka qeyb qaataan.
Dibadbaxa waxaa soo qabanqaabiyay xubno siyaasadeed iyo taageerayaal kasoo horjeeda musharraxnimada madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kaas oo dhawaan loo aqoonsaday musharraxa Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka.
Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa ka qeyb galay ayaa sheegay inay taageersan yihiin Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyo siyaasiyiinta kale ee dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ka wada Beledweyne.
Mid ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa sheegay in isu soo baxa uu yahay mid nabadeed oo lagu muujinayo taageerada ugaaska iyo aragtida bulshada Hiiraan.
“Banaanbaxa maanta ka jira Beledweyne waa banaanbax nabadeed, waxaa lagu taageerayaa ugaaskeenna qiimaha badan. Hiiraan waa saldhiggii Soomaaliya, waa meeshii laga aas-aasay Soomaaliya,” ayuu yiri.
Qof kale oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in ujeeddadu aysan ahayn in cid gaar ah la caayo ama la dhaawaco sumcadeeda, balse ay doonayaan in aragtidooda siyaasadeed si nabad ah loo muujiyo.
“Qof la caayayo ma jiro ama la xumeynayo. Waxaan rabnaa inaan calanka Soomaaliyeed ka taagno guul, Soomaaliya ha noolaato,” ayuu yiri.
Banaanbaxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada HirShabelle iyo cidda hoggaaminaysa maamulka mustaqbalka. Beesha Xawaadle ayaa muddooyinkii dambe si cad u muujisay doonisteeda ku aaddan inay hesho xilka ugu sarreeya ee HirShabelle.
Khilaafka ayaa sidoo kale sii xoogaystay kaddib markii Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu Cali Guudlaawe u aqoonsaday musharrax, iyadoo dhinacyo siyaasadeed oo gobolka Hiiraan ah ay arrintaas kasoo horjeesteen.







