• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal isugu jiray duqeyn iyo weerar toos ah oo laga fuliyay deegaanka Suullay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir koonfur ka xiga deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay isugu jiraan 18 dagaalyahan, afar xubnood oo ka tirsanaa firxadka kooxda iyo saddex horjooge oo magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Maxamed Jimcaale, Ibraahim Aadan Daahir iyo Aadan Abshir Cabdi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in Yuuroow Caawid Cali uu ahaa horjoogihii kooxda ee deegaanka, isla markaana howlgalka lagu beegsaday xarumo iyo xubno muhiim u ahaa Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, xubno kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, halka kuwo kalena ay goobta ka baxsadeen intii uu socday howlgalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbada caalamiga ah ee taageera howlaha amniga Soomaaliya. Dowladda ayaa intaas ku dartay in howlgallada ka dhanka ah kooxda ay sii socon doonaan.

Ilaa iyo hadda, Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada dowladda ee ku saabsan khasaaraha iyo faahfaahinta howlgalka, mana jirto ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay tirada khasaaraha la sheegay.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.