Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal isugu jiray duqeyn iyo weerar toos ah oo laga fuliyay deegaanka Suullay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir koonfur ka xiga deegaanka Teedaan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 18, 2026, 5:06 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal isugu jiray duqeyn iyo weerar toos ah oo laga fuliyay deegaanka Suullay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir koonfur ka xiga deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay isugu jiraan 18 dagaalyahan, afar xubnood oo ka tirsanaa firxadka kooxda iyo saddex horjooge oo magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Maxamed Jimcaale, Ibraahim Aadan Daahir iyo Aadan Abshir Cabdi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in Yuuroow Caawid Cali uu ahaa horjoogihii kooxda ee deegaanka, isla markaana howlgalka lagu beegsaday xarumo iyo xubno muhiim u ahaa Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, xubno kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, halka kuwo kalena ay goobta ka baxsadeen intii uu socday howlgalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbada caalamiga ah ee taageera howlaha amniga Soomaaliya. Dowladda ayaa intaas ku dartay in howlgallada ka dhanka ah kooxda ay sii socon doonaan.

Ilaa iyo hadda, Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada dowladda ee ku saabsan khasaaraha iyo faahfaahinta howlgalka, mana jirto ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay tirada khasaaraha la sheegay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

7 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.