• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo si adag u beeniyay eedeymihii Abshirow

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo si adag u beeniyay eedeymihii Abshirow
Share

Wararka24: Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo uu u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo la xiriiray xaaladda gobolka Shabeellaha Hoose.

Abshirow ayaa ku eedeeyay Jeneraal Cabdalla inuu ku lug leeyahay abaabulka kooxo hubeysan iyo qorshe lagu dhisayo maamul ka madax-bannaan maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero u fidinayso dhaqdhaqaaqyo ka socda magaalada Marka iyo deegaanno kale oo gobolka ka tirsan.

Qoraal uu soo saaray, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn. Wuxuu sheegay inay tahay arrin laga xumaado in shacabka Shabeellaha Hoose lagu tilmaamo maleeshiyaad, isagoo xusay inay door muhiim ah ka qaataan difaaca dalka iyo garab istaagga Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jeneraalka ayaa sheegay in hadallada loo jeediyay ay yihiin eedeymo aan xaqiiqo ku dhisnayn, isla markaana ay u muuqdaan kuwo leh ujeeddooyin siyaasadeed. Wuxuu adkeeyay inuusan wax lug ah ku lahayn abaabul kasta oo lagu eedeeyay.

Dhankiisa, Jeneraal Cabdalla ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka, isagoo ku andacooday inuu hore ula soo shaqeeyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu weli isku dayayo inuu abuuro kala qaybsanaan iyo iska horimaad bulshada dhexdeeda. Wuxuu sheegay in maanta shacabka iyo dowladda ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed iyo eedeymo la xiriira amniga iyo maamulka deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo aan jirin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa eedeymaha ay labada dhinac isu jeediyeen.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.