Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuusan ka tanaasuli doonin mabaadii’dii iyo halgankii uu sheegay in loo istaagay sannadkii 2006, xilli uu ka hadlayay kulan ay taageerayaashiisu ku muujiyeen garab istaag siyaasadeed.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in mabaadi’daas ay ku naf waayeen kumannaan Soomaali ah, isla markaana ay waajib tahay in la ilaaliyo. Wuxuu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay taageeraan waxa uu ku tilmaamay mashruuc lagu dhisayo dowlad caddaalad ku dhisan, dibna loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed.
“Kama tanaasuli karno mabaadii’dii aan u istaagnay 2006 iyo wixii ka dambeeyay, ee wiilal badan ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Ma aha wax laga tanaasuli karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in abaalmarinta ugu wanaagsan ee loo hayo dadkii ku naf waayay ama ku dhaawacmay halgankaas ay tahay in la helo dowlad ku dhisan caddaalad, midnimo iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, taas oo adeegyo siman gaarsiisa shacabka.
Sheekh Shariif, oo hoggaaminayay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah sannadkii 2006, ayaa sidoo kale ku baaqay in laga faa’iideysto waayo-aragnimadii laga dhaxlay marxaladihii adkaa ee dalka soo maray, si loo ilaaliyo dowladnimada loogana hortago dib-u-dhac siyaasadeed iyo kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Hawiye, inay door muuqda ka qaataan xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada dalka iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan is-afgarad siyaasadeed.
Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay musuq-maasuq, caburin siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho. Wuxuu sheegay in mucaaradku ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa dowlad caddaaladdeedu gaarto dhammaan gobollada dalka, isla markaana go’aannada masiiriga ah lagu gaaro wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira geeddi-socodka siyaasadda dalka.


















