Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sheekh Shariif oo faahfaahiyay cidihii garab ka siiyay dagaalkii Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shaaciyay in dad ay qaraabo iyo saaxiibo yihiin ay garab istaageen mucaaradka intii uu socday dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ilaaladii…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 8, 2026, 3:07 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Sheekh Shariif oo faahfaahiyay cidihii garab ka siiyay dagaalkii Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shaaciyay in dad ay qaraabo iyo saaxiibo yihiin ay garab istaageen mucaaradka intii uu socday dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ilaaladii hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Universal, ayuu Sheekh Shariif sheegay in dhinacooda ay goobta geeyeen oo keliya ilaaladooda, balse markii dagaalku qarxay ay kusoo biireen dad rayid ah oo ay xiriir dhow lahaayeen, kuwaas oo ka qeyb qaatay iska caabinta ciidamada dowladda.

“Ciidanka nala socday wuxuu ahaa ilaaladeenna. Dad degganaa deegaanka oo qaraabanimo ama saaxiibtinimo nala lahaa, isla markaana u arkayay in nala dulminayo, ayaa iyaguna dagaalka qayb ka noqday,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in guryihii ay deganaayeen ay lahaayeen meelo gabaad ah oo hore loogu diyaariyay xaaladaha degdegga ah, isagoo xusay in aan wax cusub la dhisin xilligii dagaalku socday, balse ay ka faa’iideysteen difaacyadii hore u jiray.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradku uusan ka tanaasulin qorshihii dibadbaxa, isagoo ku tilmaamay isu soo baxa shacabka xuquuq dastuuri ah oo qof kasta uu leeyahay. Wuxuu xusay in dibadbaxa la qaban doono marka la helo duruufaha ku habboon.

Hadaladan ayaa kusoo aadaya iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, inkastoo ay socdaan wada-hadallo lagu doonayo in xal looga gaaro muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wada-hadallada ayaa waxaa garwadeen ka ah dhinacyo caalami ah, iyadoo la filayo in natiijadoodu door muhiim ah ka qaadato dejinta xiisadda siyaasadeed iyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.