• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga digay in dalka laga hirgeliyo doorasho hal dhinac ah, isagoo ku baaqay in xal siyaasadeed lagu gaaro wadatashi qaran iyo heshiis ballaaran.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, una baahan in si dhab ah loo wajaho, isagoo dhaliilay tallaabooyinka ay qaadayso dowladda federaalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan xukun lagu sii hayn karin awood iyo muddo kororsi, balse ay muhiim tahay in la tixgeliyo go’aan wadajir ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.

“Ma jiri karto in qof keligiis uu yiraahdo waan sii joogayaa ilaa 2027, taasina waa wax aan la aqbali karin,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo ka digay in khilaafka hadda jira uu halis gelin karo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in doorasho aan heshiis lagu ahayn ay keeni karto kala qaybsanaan iyo dib u dhac ku yimaada dowladnimada Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay in “doorasho been ah” aysan socon doonin.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Baydhabo, isagoo xusay in isbeddellada ka dhacay halkaasi ay abuureen su’aalo ku saabsan sida ay wax u dhaceen iyo dareenka shacabka deegaanka.

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ayaa ku adkeystay in wadatashi qaran uu yahay waddada kaliya ee looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee dalka, isagoo uga digay dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta kala fogaansho iyo amni darro.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.