Hay’adda Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) iyo Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayaa la sheegay inay la kulmeen weeraro internet, xilli dalkaas uu wajahayo dhacdooyin isku xiga oo la xiriira jabsiga iyo go’itaanka nidaamyada dowladda.
Warbaahinta Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in la jabsaday nidaamka xogta dambiyada qaranka ee FBI, oo loo yaqaan National Crime Information Center (NCIC).
Laba qof oo arrinta la socda ayaa warbaahinta u sheegay in nidaamkaas uu ku dhacay jabsi. Hay’adaha sharci fulinta ee Mareykanka ayaa nidaamkaas u adegsada wadaagida xogta amarrada xarigga iyo baaritaanka taariikhda dadka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in weerar internet uu ku dhacay Waaxda Beeraha ee Mareykanka, balse faahfaahin dheeraad ah lama bixin.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii wareysi uu siiyay telefishinka Fox News ku sheegay in weerarka uusan wanaagsanayn.
“Waxaan hadda uun maqalnay, waxaanan dhihi lahaa ma fiicna. Ma jecli,” ayuu yiri Trump.
Ma aha markii ugu horreysay ee FBI ay sannadkan la kulanto dhacdooyin noocan ah.
Bishii Maarso, FBI ayaa sheegtay inay baaraysay dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay oo ka dhacay qaar ka mid ah nidaamyadeeda gudaha.
Bishii Sebtembar, hay’adda ayaa baaritaan ku samaysay jabsi muuqda, kadib markii koox internet sheegatay inay xaday xog xasaasi ah oo ku saabsan 38,000 shaqaale oo FBI ka tirsan.
Weerarradan ayaa yimid toddobaad ay Mareykanka ka dhaceen dhacdooyin kale oo la xiriira nidaamyada dowladda.
Nidaamka internetka ee Hay’adda Amniga Qaranka (NSA) ayaa go’ay, inkastoo hay’addu ay sheegtay inuu ka dhashay dayactir caadi ah. Sidoo kale duulimaadyada dalka oo dhan ayaa muddo kooban la hakiyay.









