Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shirka Dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo maanta ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 7, 2026, 12:44 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Shirka Dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo maanta ka furmay Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa waxaa fududeynaya wakiillo ka socda dowladda Turkiga, waxaana la filayaa in dhinacyadu ay ka wada hadlaan qodobbo muddooyinkii dambe saldhig u ahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ay soo bandhigi doonaan aragtiyo cusub oo ku saabsan nooca doorasho ee xilligan dalka ka qabsoomi karta, iyadoo ay hore u muujiyeen diidmo ku aaddan qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladda federaalku waddo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada ka socday kulamo hordhac ah oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac, kuwaas oo lagu falanqeeyay ajendaha shirka, qodobada miiska saaran iyo habka loo wajihi karo doodaha la filayo inay kasoo baxaan wada-hadallada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in mucaaradku dib u eegis ku sameeyay qaar kamid ah mowqifyadoodii hore, isla markaana ay diyaariyeen hindise siyaasadeed oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka, kaas oo ay u arkaan mid dalka ka hirgeli kara xaaladaha jira.

Dhinaca kale, wafdiga Turkiga ee ka qeyb qaadanaya dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay dhinacyada siyaasadda, si loo abuuro jawi ku habboon wada-hadallada iyo in la helo is-afgarad lagu xallin karo muranka taagan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn indhaha loogu hayaa natiijada kasoo baxda wada-hadalladan, maadaama ay saameyn ku yeelan karaan jihada siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka ee lagu heshiin karo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.