Wararka24: Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa maanta lagu wadaa inuu kulamo la yeesho guddiyo kala metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kahor inta aan si rasmi ah u billaaban wada-hadallo la qorsheeyay inay dhacaan maanta, sida ay sheegeen ilo ku dhow geeddi-socodka.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe sababay kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa hore uga horyimid wada-hadallo uu Turkigu si gaar ah u hoggaaminayo, iyagoo ku dooday in Ankara aysan ahayn dhexdhexaadiye ay labada dhinac si isku mid ah ugu kalsoon yihiin.
Si kastaba, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Turkigu markan la shaqeynayo wakiillo reer Galbeed ah, si loo abuuro hannaan ay ku kalsoonaan karaan dhammaan dhinacyada ku lugta leh wada-hadallada.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in mas’uuliyiinta Turkiga ay qiimeyn u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu muujiyay walaac ku saabsan suurtagalnimada in xaaladda siyaasadeed ay sii adkaato haddii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin arrimaha doorashooyinka ka hor dhammaadka sanadkan.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Turkiga ama Madaxtooyada Soomaaliya oo xaqiijinaya wararka la xiriira qiimeynta la sheegay in loo gudbiyay madaxda dowladda.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah isku-dayo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka sii jiitama uu saameyn ku yeesho xasilloonida siyaasadeed ee dalka.


















