Wararka24: Beesha caalamka ayaa farriimo u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo ku boorrisay in la bilaabo wada-hadal siyaasadeed oo lagu xallinayo ismari-waaga ka taagan arrimaha siyaasadda dalka.
Warar ay heshay Wararka24 ayaa sheegaya in wakiillo ka socda beesha caalamka ay xiriir la sameeyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, si loo dardargeliyo diyaar-garowga wada-hadallo la filayo inay qabsoomaan toddobaadyada ugu horreeya bisha Luulyo.
Dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa diiradda saaraya sidii dowladda iyo mucaaradka loogu kulmin lahaa miiska wada-hadalka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada ka dhashay muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyada dhexdhexaadinta wada ay aqbaleen in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wada-hadallada la gelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida wararku tilmaamayaan, beesha caalamka ayaa dowladda u caddeysay inay xor u tahay la kulanka siyaasiyiin kale, hase yeeshee wada-hadallada rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed ay si gaar ah u dhex mari doonaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.
Qorshahan ayaa lagu doonayaa in lagu yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka doorashooyinka iyo dhammaadka muddo-xileedyada qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laga yaabo inuu door ku yeesho wada-hadalladan, inkastoo aanu si rasmi ah uga mid ahayn siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka.
Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u dhaliilayay siyaasadaha dowladda federaalka, isagoo marar kala duwan la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.


















