Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wadahadallada DF iyo Golaha Mustaqbalka oo galay maalintii labaad, Maxaa ka cusub?

Waxaa maalintii labaad galay wada hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka socda gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 5:24 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Wadahadallada DF iyo Golaha Mustaqbalka oo galay maalintii labaad, Maxaa ka cusub?
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Waxaa maalintii labaad galay wada hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka socda gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulamadan oo ku bilowday jawi deggan ayaa waxaa la sheegay inuu door dhexdhexaadin ah ku leeyahay Mareykanka, iyadoo dhinacyada ay ka wada hadlayaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhinaca dowladda waxaa shirka uga qayb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamud, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka Golaha Mustaqbalka ay metelayaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la guda geli doono doodaha ugu xasaasisan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo saldhig u ah khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Mucaaradka oo taageero ka helaya maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay soo bandhigaan aragtidooda ku aaddan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, halka Villa Somalia ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay la-tashiyo kula sameeyeen dhinacyada ay metalaan, si loo sii ambaqaado wada hadallada loona gaaro xal siyaasadeed oo laga wada heshiiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in shirka uu ka socdo xarun dowladeed oo ku dhex-taalla Xalane, isagoo mucaaradka ku eedeeyay inaysan lahayn ajende cad.

“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dowladdu leedahay ayuu ka dhacayaa,” ayuu yiri wasiirka oo qoraal soo saaray.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha Xalane, iyadoo beesha caalamka ay dadaal ugu jirto in xal looga gaaro muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.