• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Deni oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Deni oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho
Share

Wararka24: Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta so gaaro magaalada Muqdisho, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in safarka Deni uu la xiriirro kulan ay beesha caalamka qorsheyneyso inay ku dhex-dhexaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Kulankaas ayaa la filayaa inuu ka dhaco gudaha xerada Halane Camp.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay hormuud ka tahay dadaallada lagu furayo wada-hadallo rasmi ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Inkastoo Dowladda Federaalka ay hore u beenisay jiritaanka qorshahaasi, haddana warar isa soo taraya ayaa tilmaamaya in kulankaasi uu dhici doono maalmaha soo socda.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saari doono muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Waxaa sidoo kale la filayaa in dhinacyadu ka wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo yareyn lahaa xiisadaha siyaasadeed.

Dhinaca dowladda federaalka waxaa la filayaa inay kulanka uga qeyb galaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare
Xamza Cabdi Barre. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ku matali doona Sharif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Deni. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Xalane iyadoo ay garwadeen ka tahay dowladda Mareykanka. Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya kadib markii uu fashilmay kulan hore oo uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshuhu ahaa inuu ka qabsoomo Villa Somalia.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowladda iyo mucaaradku ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka cusub ee dowladdu sheegtay inuu dhaqan galay.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.