• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Kumaandooska Danab oo soo badbaadiyey 9 qof oo u afduubnaa Al-Shabaab+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Kumaandooska Danab oo soo badbaadiyey 9 qof oo u afduubnaa Al-Shabaab+sawiro
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu soo badbaadiyay dad rayid ah oo ay afduub u haysteen Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo furtay sagaal qof oo shacab ah, kuwaas oo kooxda ay hore u qafaasheen.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in intii uu socday howlgalka ay ciidamada dileen shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiray horjooge kooxda hoggaaminayay.

“Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin sababta dadka rayidka ah loo afduubtay iyo muddada ay kooxda gacanta ku haysay.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka jireen dagaallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku celisay inay sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo badbaadinta shacabka ay dhibaateeyaan kooxaha hubeysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

war-saxaafadeedka


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.