Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mareykanka oo ka hadlay muranka doorashooyinka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan faro-gelin ku sameyn doonin hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, islamarkaana aysan hoggaamin doonin dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 12, 2026, 2:50 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo ka hadlay muranka doorashooyinka Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan faro-gelin ku sameyn doonin hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, islamarkaana aysan hoggaamin doonin dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Sii hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis ayaa sheegay in Washington ay wada hadallo la yeelatay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed si loo fahmo xaaladda siyaasadeed ee taagan. Wuxuu caddeeyay in Mareykanku uusan martigelinayn ama maamulayn wada-hadallada dhinacyada.

Justin Davis ayaa sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaashooda. Wuxuu xusay in dowladda Mareykanka aysan Soomaalida u sheegi doonin sida ay u dooranayaan hoggaankooda ama jadwalka doorashooyinka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dood ay ka taagan tahay doorka beesha caalamka ee muranka siyaasadeed ee Soomaaliya. Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa filayay in Mareykanku cadaadis ku saaro dhinacyada siyaasadda sida dhacday xilligii khilaafkii doorashada ee sanadihii 2021 iyo 2022.

Davis ayaa sheegay in mowqifka hadda ee Mareykanka uu ku saleysan yahay taageerada wada hadalka iyo xalinta khilaafaadka iyadoo aan la adeegsan cadaadis toos ah. Si kastaba, wuxuu ka digay in xaaladda siyaasadeed aysan isu beddelin rabshado ama xaalad amni darro.

Diblomaasigan ayaa sidoo kale sheegay in mucaarad nabadeed uu muhiim u yahay bulsho kasta oo dimuqraadi ah, isagoo tilmaamay in rabshadaha ka dhanka ah dibadbaxayaasha aan la aqbali karin. Wuxuu ku baaqay in dowladda iyo mucaaradku ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada hadal iyo tanaasul.

Mareykanka ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay jawi siyaasadeed oo deggan si xoogga loo saaro arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

22 hours ago
Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

23 hours ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

23 hours ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

2 days ago
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

2 days ago
Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.