• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Duqeymo lagu beegsaday xubno Al-Shabaab ah oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Duqeymo lagu beegsaday xubno Al-Shabaab ah oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro
Share

Wararka24: Duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in lagu diyaarinayay qorshayaal weerarro ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeymaha ay ka kala dhaceen degmooyinka Sablaale, Kunyobarrow iyo deegaanka Yaaqbariweyne, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda. Ilo amni ayaa sheegay in xubnahaasi lagu tuhunsanaa inay diyaarinayeen weerarro ka dhan ah gudaha Ethiopia.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo amni, goobaha la duqeeyay waxaa sidoo kale ku yaallay xarumo iyo kayd hub oo ay kooxdaasi isticmaali jirtay, kuwaas oo la burburiyay intii uu socday howlgalka.

Dhanka kale, duqeyn kale oo ka dhacday degmada Jilib ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in gaadhigaasi la burburiyay, isla markaana ay dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen weerarka.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha guud, balse waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah la shaaciyo saacadaha soo socda.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay kordhiyeen duqeymaha iyo howlgallada dhulka si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.