Wararka24: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saraakiil u diray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si ay uga shaqeeyaan isku xirka ciidamada iyo xoojinta wada-shaqaynta cutubyada ku sugan magaalada.
Saraakiishan waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 73-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan qaybta Booliska Milatariga, Gaashaanle Cabdullaahi Cismaan Jimcaale. Waxay kulamo la yeesheen saraakiisha Taliska Qaybta 60-aad iyo ciidamada ku sugan Baydhabo, iyadoo diiradda la saarayo isku dubbaridka howlaha milatari.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in saraakiishaasi ay Taliska Qaybta 60-aad kala shaqeynayaan dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta ciidamada iyo dardargelinta howlgalada amni. Si kastaba, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan qorshayaasha gaarka ah ee kulamadaas lagama soo saarin xogta la helay.
Dib u qabsashada degmooyin ka tirsan gobolka Baay
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Baydhabo laga abaabulayo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Birmadka Koonfur Galbeed, kuwaas oo la qorsheynayo inay ka qeyb qaataan howlgal lagu doonayo in dib loogu qabsado degmooyin ka tirsan gobolka Baay.
Degmooyinka la xusay waxaa ka mid ah Qansaxdheere, Berdaale iyo Diinsoor. Sida ay sheegayaan wararka, ciidamada ayaa laga yaabaa inay howlgalka ka bilaabaan Baydhabo, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo ciidamo deegaanka ah oo taageero siiya ciidamada dowladda.
Ilaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qorsheeyay in howlgalkaasi uu bilowdo, mana jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya tirada ciidamada la abaabulayo ama qorshaha hawlgalka.
Abaabulkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed. Ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sida ay sheegayaan wararka la wareegay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay, marka laga reebo magaalada Baydhabo.
Xaaladdan ayaa cadaadis amni iyo mid siyaasadeed ku abuureysa maamulka Koonfur Galbeed ee hadda jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weli aan la ogeyn sida ay dhinacyadu uga falcelin doonaan abaabulka ciidamada iyo qorshayaasha la sheegay in laga diyaarinayo Baydhabo.

