Wararka24: Dagaal culus ayaa saaka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo xaaladda amni ay kacsan tahay kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay gaareen deegaanka Afar Irdoodka oo ku yaalla bartamaha magaalada.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin sida ciidamadaasi ku gaareen Afar Irdoodka iyo in ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in iska horimaadyo xooggan ay ka dhaceen qaybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo daryanka rasaasta laga maqlayo gudaha magaalada. Hase yeeshee, weli ma cadda baaxadda dagaalka iyo cidda gacanta ku haysa goobaha dagalka ka dacay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey Baydhabo geysay ciidamo dheeraad ah, sida ay sheegeen ilo ku sugan magaalada. Ciidamada ayaa la sheegay in loo diray Baydhabo si ay u xoojiyaan amniga una taageeraan maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.
Dhinaca kale, wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen ay weerareen fariisimo ay ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen magaalada.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale dadka ku nool Baydhabo ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isagoo sabab uga dhigay xaaladda amni iyo dagaallada ka socda magaalada. Hadalkaas ayaa ka tarjumaya mowqifka dhinaca siyaasadeed ee taageersan Laftagareen, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhammaan faahfaahinta uu sheegay.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Baydhabo ama xarumaha caafimaadka magaalada oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaallada. Sidoo kale, lama xaqiijin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay, iyo haddii dagaalladu sababeen barakac ama burbur soo gaaray guryaha iyo xarumaha shacabka.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo dhinacyada isku haya magaalada aysan si rasmi ah uga hadlin dhammaan faahfaahinta iska horimaadka. Wararka soo baxaya ayaa muujinaya in xaaladda amni ay weli isbeddeleyso, iyadoo la sugayo warar rasmi ah oo dheeraad ah.









