Wararka24: Mucaaradka uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa eedeymo u jeediyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Somali Bank, iyagoo sheegay inay dib u qiimeynayaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin labada shirkadood.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo ka mid ah siyaasiyiinta garabka Laftagareen, ayaa sheegay in Hormuud iyo Salaam Bank ay adeegyada ka xiraan qaar ka mid ah madaxda iyo dadka taageera Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ka aragti duwan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugaas Xasan, oo horay u soo noqday afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay aan lagu cadaadin karin inay adeegyada ka jaraan dadka ay isku aragtida siyaasadeed ku kala duwan yihiin madaxda dowladda federaalka.
Isaga oo ku sugan degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, Ugaas Xasan ayaa sheegay in haddii shirkaduhu adeegyada ka xiraan dadka ay isku khilaafaan Madaxweyne Xasan Sheekh, ay taasi ka hor imanayso caddaaladda. Wuxuu intaas ku daray in garabkiisu uu dib u eegi doono xiriirka iyo wada-shaqaynta uu la leeyahay Hormuud iyo Salaam Bank.
Ugaas Xasan ayaa labada shirkadood ugu baaqay inay caddeeyaan sababaha keeni kara in adeegyada laga joojiyo dadka reer Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in shirkaduhu leeyihiin macaamiil badan oo Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay tahay inay si cad uga hadlaan eedeymaha loo jeediyay.
Dowladda Federaalka oo hori u sheegtay cunaqabateynta maaliyadeed
Eedeymahan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay 13-kii Oktoobar 2026 liiska cunaqabateynta maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo sagaal qof oo kale. Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ayaa sheegay in go’aankaasi la xiriiray tuhunno ku saabsan taageeridda ama maalgelinta Al-Shabaab
Go’aanka guddiga ayaa faraya hay’adaha maaliyadeed ee ay khuseyso inay xayiraan hantida dadka liiska lagu daray, isla markaana ay joojiyaan macaamillada maaliyadeed ee sharcigu mamnuucayo.
Si kastaba ha ahaatee, arrintaas lafteedu ma caddaynayso eedeynta ah in shirkadaha Hormuud iyo Salaam Bank ay tallaabooyinkooda ku qaadeen awaamiir siyaasadeed oo ka timid Dowladda Federaalka.
Ilaa hadda, ma jiraan caddeymo madax-bannaan oo lagu xaqiijiyay eedeymaha Ugaas Xasan ee ku saabsan in adeegyada shirkadahaas loo adeegsaday cadaadis siyaasadeed. Hormuud iyo Salaam Somali Bank midkoodna kama uusan hadlin eedeymaha ku jira xogta la helay.









