Wararka24: Dad rayid ah ayaa ka barakacaya xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo, iyadoo magaalada laga dareemayo cabsi xooggan oo laga qabo in uu mar kale qarxo dagaal culus. Qoysas badan ayaa bilaabay inay ka baxaan magaalada, iyagoo carruurtooda wata, una jihaysanaya deegaanada ku dhow duleedka Baydhabo.
Muuqaallo laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya dad rayid ah oo ka guuraya guryahooda, xilli xaaladda amni ay weli tahay mid kacsan. Barakaca ayaa u muuqda mid baaxad leh, waxaana dadka qaar ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin in dagaallo kale ay ka dhacaan gudaha magaalada.
Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goob ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo ay isku hayaan maamulka magaalada iyo dhinaca siyaasadeed ee hoggaamiye Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageeraysa maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe, taas oo muranka siyaasadeed ka dhigtay mid si toos ah ugu milmay xaaladda amni ee magaalada.
Xiisadda ayaa si weyn u kacday Khamiistii la soo dafay, markaas oo Baydhabo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno la safan Laftagareen. Dagaalka ayaa sii xoojiyay walaaca shacabka, gaar ahaan iyadoo magaalada ay horey uga dhaceen iska horimaadyo soo noqnoqday.
Xalay dadka qaar aya habeenkii soo jeedeen iyagoo ka baqaa in dagaal kale uu qarxo
Xalay ayaa magaalada laga dareemayay cabsi xooggan, iyadoo dadka qaar ay habeenkii soo jeedeen, kana baqayeen in dagaal kale uu qarxo. Qaar ka mid ah qoysaska ayaa doorbiday inay ka fogaadaan goobaha ay u arkaan inay khatar ku sugan tahay, iyagoo u dhaqaaqay dhanka duleedka magaalada.
Cabsida hadda jirta ayaa sidoo kale la xiriirta suurtagalnimada weerar aargoosi ah oo ay ciidamada taageera Laftagareen ku qaadaan Baydhabo, kaddib weerarkii ka dhacay guriga Taliye Shub ee degmada Doolow. Inkastoo dhinacyadu ay siyaabo kala duwan uga hadleen dhacdada Doolow, haddana weli ma cadda cidda ka dambeysay weerarka iyo in uu xiriir toos ah la leeyahay xiisadda Baydhabo.
Xaaladda ayaa sii adkeynaysa walaaca shacabka, iyadoo dadka rayidka ah ay ka cabsi qabaan in iska horimaad cusub uu sababo khasaare iyo barakac intaas ka badan. Ilaa hadda, dadaallada lagu dejinayo xiisadda iyo ka hortagga dagaal kale ayaa ah arrin si weyn isha loogu hayo.







