Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saakay ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay iska caabiyeen weerar ay magaalada kusoo qaadeen ciidamada taabacsan Laftagareen iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay dagaalka ku jabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana laga hortagay isku day ay ku doonayeen inay gudaha magaalada Baydhaba kusoo galaan.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku eedeysay ciidamada taabacsan Laftagareen inay adeegsadeen qaraxyo ka hor bilowga dagaalka, kuwaas oo sida ay sheegtay loogu talagalay in lagu argagax geliyo shacabka magaalada.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka abaare 04:15 magaalada Baydhaba ku jabiyey maleeshiyadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen iyo Khawaarijta Al-Shabaab oo isku milmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ciidamada dowladda ay si degdeg ah uga hortageen weerarka, ayna fashiliyeen isku daygii kooxaha weerarka soo qaaday ay ku doonayeen inay magaalada ku galaan.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in weli ay waddo qiimeyn lagu ogaanayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo ballanqaadday inay shacabka la wadaagi doonto xogta rasmiga ah marka qiimeynta la soo gabagabeeyo.
“Waxaa hadda socda qiimeyn lagu xaqiijinayo khasaaraha gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday. Faahfaahin rasmi ah ayaa shacabka lala wadaagi doonaa marka qiimeyntaas la soo gabagabeeyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xaaladda Baydhaba ayaa hadda lagu soo warramayaa inay deggan tahay, iyadoo ciidamada taabacsan Laftagareen la sheegay inay dib ugu laabteen fariisimahooda ku yaalla bannaanka magaalada.
Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha ama faahfaahinta dhammaan dhacdooyinkii la xiriiray dagaalka, iyadoo xaaladda Baydhaba ay weli si dhow ula socdaan dhinacyada amniga.







