Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed ka soo sartay dagaalkii Baydhaba

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saakay ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 3, 2026, 2:34 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed ka soo sartay dagaalkii Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal saakay ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay iska caabiyeen weerar ay magaalada kusoo qaadeen ciidamada taabacsan Laftagareen iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay dagaalka ku jabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana laga hortagay isku day ay ku doonayeen inay gudaha magaalada Baydhaba kusoo galaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku eedeysay ciidamada taabacsan Laftagareen inay adeegsadeen qaraxyo ka hor bilowga dagaalka, kuwaas oo sida ay sheegtay loogu talagalay in lagu argagax geliyo shacabka magaalada.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka abaare 04:15 magaalada Baydhaba ku jabiyey maleeshiyadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen iyo Khawaarijta Al-Shabaab oo isku milmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ciidamada dowladda ay si degdeg ah uga hortageen weerarka, ayna fashiliyeen isku daygii kooxaha weerarka soo qaaday ay ku doonayeen inay magaalada ku galaan.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in weli ay waddo qiimeyn lagu ogaanayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo ballanqaadday inay shacabka la wadaagi doonto xogta rasmiga ah marka qiimeynta la soo gabagabeeyo.

“Waxaa hadda socda qiimeyn lagu xaqiijinayo khasaaraha gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday. Faahfaahin rasmi ah ayaa shacabka lala wadaagi doonaa marka qiimeyntaas la soo gabagabeeyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda Baydhaba ayaa hadda lagu soo warramayaa inay deggan tahay, iyadoo ciidamada taabacsan Laftagareen la sheegay inay dib ugu laabteen fariisimahooda ku yaalla bannaanka magaalada.

Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha ama faahfaahinta dhammaan dhacdooyinkii la xiriiray dagaalka, iyadoo xaaladda Baydhaba ay weli si dhow ula socdaan dhinacyada amniga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.